Published:

Wasiir xigeenka dhawaan madaxweyne Siilaanyo u magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse)  ayaa xilkii kala wareegay wasiir xigeenkii hore ee wasaaraddaasi Mawliid Maxamuud Ibraahim.

Munaasibadda xil wareejinta oo Caawa lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda waxaa ka qayb galay wasiirada wasaaradaha, Arrimaha dibedda, Beeraha, Xidhiidhka goleyaasha, shaqada iyo arrimaha bulshada, Safiirro, Xildhibaanno Masuuliyiin ka socotay xisbiyada qaranka, salaadiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Xasan oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan soo dhawaynayaan Wasiir ku xigeenka cusub ee loo soo magacaabay, isaga oo sii sagootiyey wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaasi ee loo bedelay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha.

IMG_2479

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Tichnolog-yadda iyo Cilmi baadhista Somaliland Cali Caamud Jibriil oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inuu aqoon durugsan u leeyahay wasiir ku xigeenka loo soo bedelay, waxaanuu sheegay inuu yahay qof loo keeno kii ugu wanaagsanaa wasiir ku xigeenka loo soo magacaabay ee mawliid, waxaanuu sidoo kale sheegay inuu axmed keyse ahaa macalinkiisii wakhtigii arday nimada oo uu ku soo dhaweynayo xukuumadda uu ka midka yahay, waxaanuu carabka ku dhuftay in ay xilalka qaranku isku mid yihiin oo aanay kala wanaagsanayn.

Dr Cabdi Aw Daahir Cali Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in siyaasadda xukuumadda Somaliland ee ay hogaaminayaan Madaxweyne Axmed Siillaanyo iyo Maxamed Biixi tahay mid kulul oo dardar leh, isla markaana wax jiidhaysa oo aad u wanaagsan, waxaanuu soo dhaweeyey wasiir ku xigeenka cusub, isaga oo kii horena sii sagootiyey oo ku soo dhaweeyey wasaaradda kale ee loo bedelay.

Mawliid Maxamuud Ibraahim Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Mawliid Maxamuud Ibraahim oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu ku dheeraaday mar xaladihii kala duwanaa ee ay soo martay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, waxaanuu sheegay in xarunta ay maanta ku jirto wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ay tahay mid ay ka soo wada shaqeeyeen isaga iyo wasiiradii kala dambeeyey ee uu la soo shaqeeyey oo ay guul u tahay wasaaradda, waxaanuu aad ugu mahad naqay wasiirka wasaaradaasi maxamed biixi oo uga mahad naqay sidii uu ula soo shaqeeyey.

IMG_2461

Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse)  Wasiir Ku Xigeenka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi.

“Waxaan u mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland oo ii magacaabay xilka wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee aan hore u soo hayn jiray ee aan wareejiyey 29-june ee 2010-kii, waxaanan sidoo kale madaxweynaha uga mahad naqayaa inuu magacaabay Saaxiibaday C/risaaq Saleebaan Maxamuud (Mingiste) oo loo magacaabay Safiirka Chana iyo safiirka Imaaraadka oo loo magacaabay saaxiibkay baashe cawil cumar, waxaana weeyaan muwaadiniin ayaanu nahay oo xaq ayaanu u leenahay inaanu xil ka qabanno qaranka, madaxweynuhuna dhag umuu dhigin kuwii lahaa ee soo bandhigayey qoraallo mucaarid ah ayey sameeyeen ama waa mucaaridkii ugu adkaa”.

Intaas waxa uu raaciyay. “waxaan leeyahay madaxweynuhu dhag jalaq uma siinin war xumo tashiilkaas, waxaan leeyahay mucaaridka wax ka sheega xukuumadda iyo siyaasiyiinta kaleba ILAAHAY ha soo hadeeyo, wasaaradduna waa wasaarad ballaadhan oo qarankan uga wakiil ah inay qadiyadda somaliland beesha caalamka ka dhaadhiciso” .

Ugu Dambayntii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxaanuu soo dhaweeyey wasiir ku xigeenka Cusub, isaga oo sii sagootiyey wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaasi laga bedelay, waxaanuu halkaasi xilalkii ugu kala wareejiyey labadan masuul, iyaga oo shaqaalaha wasaaraddaasina halkaasi shahaado sharaf ku sii maamuusay wasiir ku xigeenkii hore ee arrimaha dibedda ee laga bedelay.

News Related