Published:

hhhhhhh

Bayaan Jaaliyada Somaliland ee Gobolka Bayern München

JAAlIYADDA SOMALILAND EE GOBOLKA BAYERN MUNICHEN

UJEEDO  BAYAAN :-                                                                                     10.11.2015

Hadii aanu nahay Jaaliyada Somaliland Ee Gobolka Bayern München, waxaanu Bulshada Somaliland ee ku dhaqan Guud ahaan Dalkan Jarmalka u cadaynaynaa in aananu ka mid ahayn, waxbana aananu kalla socon qoloda isku magacawday Jaliyada guud ee Somaliland dalkan Jarmalka,

Markaanu aragnay Qodobadan hoos ku xusan.
• Markaanu aragnay In aanay jirin cid ay matalaan oo ah Gobol iyo degmaba.
• Markaanu aragnay in cid dooratay aanay jirin iyo meel lagu doortayba.
• Markaanu aragnay inay wataan qorshayaal shaqsiyadeed ama dano gaar iyo mid siyaasadeed oo aanay waddin danta guud ee bulshada Somaliland dalkan Jarmalka ku nool.
• Markaanu aragnay inay ku feegan yahiin kala qaybinta, qobqobka iyo kala fogaynta bulshada Somaliland ee Gobolada dalka Jarmalka.
Hadaba iyadoo jirta intaas kor ku xusani waxaanu go,aansanay in aananu ka qayb galin Shir ku sheega Qolada isku magacawday Jaaliyada Guud oo 14.11.2015 ka dhici doona Stuttgart cid matashaana aanay jirin Gobolka Bayern

Soo Jeedin :-
Dhamaan waxaanu usoo jeedinayaa Jaaliyadaha Somaliland ee Kala Duwan  gobolada iyo degmooyinka jarmalka inay iskugu yimadaan kulan ay kaga tashanayaan aayahooda iyo horimarinta gobolada iyo degmooyinka ay mataal si ay meesha ay uuga baxaan kamarad la boodka iyo waji ku macaashka,
Loona helo dad lagu kalsoon yahay oo dadka shacabka ee Gobolada iyo degmooyinku si xor ah usoo doortaan mar walba iyo wakhti walbana u adeega bulshada noocyadeeda kalla duwan.

Allaa Mahad leh
Maamulka Jaaliyada Somaliland  E Gobolka Bayern München Dalka Germany

 

News Related