Published:

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland,  ayaa ka hadlay Doorashada iyo Abaaraha taagan, waxaanu sheegay in aanay wakhtigan suurtagal ahayn inay Doorashadu dhacdo, madaama abaar lagu jiro, waxaanu sheegay in cida doonaysa Doorashadu inay wakhtigeedii ku dhacdo inay tahay cid aan dalkaba u tudhayn.

Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo Warbaahinta la hadlaya ayaa sidoo kale sheegay in Xisbiyada looga baahan yahay inay ku heshiiyaan wakhtiga dambe ee ay Doorashadu dhacayso, waxaanu yidhi isagoo arintan ka hadlaya“Mudada ILLAAHAY baa dib u dhigay, waayo abaar bahal la yidhaah baa inagu dhacday, haddii uu maanta da’o, dadku lix bilood iskuguma iman karo, Adhig meel, Halihii meel, Xaaskii meel, waa la kala lumay, ninka Doorasho ku deg degayaa waa nimaan dalkaba hoos u eegin, waxaan leeyahay ha hubsadeen, ha la hubsado Doorashada, halka la dhigaayo iyo mudada ay noqonayso, heshiis iyadoo lagu yahay oo khilaaf jirin ha la heshiiyo, ILLAAHAY baa dib dhigaye, wakhtiga ay noqonayso ha lagu heshiiyo”.

News Related