Published:

“ Anigu Isbahaysiga Kulmiye Kama Tirsani,” Baashe Maxamed Faarax

Hargeysa(GNO)January-09-2015- guddoomiye xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa shaaciyay inuu wakhti hore ka baxay siyaasiyiinta la baxay isbahaysiga dimuquraadi doonka Kulmiye ee hoggaanka kulmiye Saluugsan. Baashe ayaa la ogaa inuu siyaasiyiinta ugu miisaanka culus ahaa, hase ahaatee wuxuu wakhtigan ku dooday in uu shakhsi codka la doonayay arrintaasi markii ay dhammaatayna uu iskaga baxay.

Geesta kale wuxuu faahfaahin ka bixiyay socdaal uu kaga soo laabtay dalka Jabuuti oo uu maalmo ku maqnaa, halkaas oo uu kula kulmay madaxda baarlamaanka dalka Jabuuti.

 

News Related