Published:

Hargeysa(GabileyNews)– Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la weriyey in uu socdaallo aan laga warqabin uu ku dhex maray faras magaalaha Hargeysa isaga oo aan wax ilaalo ah wadan isla markaana aanay ka war hayn hay’adaha amniga ee xukuumaddu. Madaxweynaha ayaa booqashadan qarsoodiga ah kaga baxay madaxtooyada xilli habeennimo ah isaga oo abbaaray goobo ay kamid yihiin saldhigyada bilayska iyo baraha koontaroollada ee caasimadda Hargeysa.

s

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo xaqiijinaya socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ku dhexmaray suuqyada magaalada iyo goobaha gaarka ah ee Saldhigyada Booliska iyo Baraha Kaantaroolada qaarkood, Hase yeeshee warbixin lagu daabacay Araweelonews.com oo aanu ka soo xiganay ayaa shaacisay in madaxweynuhu dabayaaqadii bishii 12aad ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2015 uu tiraba saddex xilli habeennimo ah dibada u soo baxay habeen dhaaf, iyadoo aanay cidna kala socon mas’uuliyiinta Xukuumaddiisa, Saraakiisha ammaanka iyo ilaalladiisa, isla markaana saraakiisha Boolisku ku baraarugeen oo ka war heleen hal habeen oo keliya markii uu dhamaystay inta badan goobo uu doonayay inuu soo kormeero, isagoo markaa kadib deg deg ugu laabtay qasriga Madaxtooyadda markii uu oggaaday inay ka war heleen socdaalkiisa.

Madaxweyne Siilaanyo oo marar baddan sidan oo kale booqashaooyin ugu baxay xilliyo kala duwan suuqyada Magaalada, waxa ay booqashadiisan kaga duwanayd kuwo hore oo uu sameeyay, wuxuu ka taxadiray in aan la fahmin oo aanay xataa ka war helin Ilaaladiisa, masuuliyiinta xukuumadda iyo saraakiisha Boolisku, wuxuuna Kaantaroolka Magaalada Berbera kaga yimi dhinaca Magaalada Berbera, iyadoo u suurta gashay inaan la baadhin sadexda gaadhi ee ay wateen, isaga iyo dhawr qof oo la socday, kuwaas dad shacab ah oo safar ka yimi isu muujiyay , kadibna gaadiidkii ay wateen sidaa kusoo dhaafeen Kaantaroolka.

Intii uu Madaxweynuhu ku gudo jiray socodkiisa kormeerka ah waxaa booqashadiisa ku metellayay oday caadi ah isaga oo sida warbixintu tix raacayso ka taxadirey in la garto ama la aqoonsado, isaga oo , isla markaana maray kuna wareegay badiba isgoysyada magaallada inta baddan hase ahaatee warbixintu ma ay iftiimin waxa uu kala hadlay meelaha uu tegey.

Gunaannad

Markii uu dhamaystay madaxweynuhu socdaalkiisa waxaa uu markaa kadib ku laabtay qasriga Madaxtooyadda, isagoo ku faraxsan inuu ku guulaystay ujeedada booqashadiisa iyo socdaalkiisa qarsoonaa ee uu kusoo maray meelo baddan, isagoo indhihiisa ku qaatay sawiro uu go’aan kaga qaadan karo wax baddan, wixii uu booqashooyinkaa kala kulmay.

Muddooyinka waxa adkaatay in warbaahintu hesho xoggaha iyo wararka la xidhiidha dhaq-dhaqaaqa madaxweynaha iyo waxyaabaha ka socda qasriga Madaxtooyadda, iyadoo Madaxweyne socdaaladiisa xiligan iyo kulamo xidhiidha ah oo uu muddooyinkan qasriga Madaxtooyadda kula kulamay Masuuliyiinta xukuumaddiisa iyo Ururada Bulshada u muuqdeen kuwo meesha ka saaraya Afartii sanadood ee u danbeeyay sawirka laga haystay Madaxweyne Siilaanyo iyo gudashada waajibkiisa shaqo, taas oo lala xidhiidhinayo inay sabab u ahaayeen Koox waddaado ah oo Madaxweyne Siilaanyo ku xeernaa, kuwaas oo laba bilood ka hor markii ay iskood isaga casileen xilalkii ay hayeen intaas wixii ka dembeeyeyna ay soo laabatay awoodii iyo Haybadii Madaxweyne Siilaanyo oo la arkay, isagoo si toos ah kulamo isdaba joog ah ula yeelanaya bulshada iyo masuuliyiinta xukuumaddiisa.

si kastaba ha ahaatee booqashooyinkan iyo socdaalada qarsoon ee Madaxweyne Siilaanyo ku marayay dhawrkii habeen ee u danbeeyay suuqyada magaalada iyo goobaha muhiimka ah, ayaa dhinaca kale saamayn ku yeelan kara feejignaanta Hay’addaha amaanka ee dalka, isaga oo madaxweynuhuna kaga go’aan qadan doono wixii uu booqashooyinkaa kala kulmay.

News Related