ŘHargaysa(GNO)December-30-2015:- madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa maanta Si rasmiya Xadhiga uga Jaray Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland taasi oo ka Kooban Dhisme Sadex Dabaq ah.
Munaasibada Xadhig Ka Jarista Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa ahayd goob ay xarunta ku sugnaayeen dhamaanba Golayaasha kala gadisan ee qaran , Ciidamada Kala duwan ee Boliska , Ilaalada Xeebaha, Laanta Socdaalka , Debdamiska iyo Cidamada Banboyda.
Waxaa xadhig kajarinta kadib bilaabantay khudbaha masuuliyiinta iyo sidoo kale riwaayado ka turjumada munaasigada iyo wax qabadka wasaarada arrimaha gudaha.
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland oo Halkaasi Ka Hadlay ayaa ka xog waramay Waxqabadka wasaaradda , tirada Shaqaalaha iyo waaxaha ay ka kooban tahay.
Sidoo kale agaasimaha guud Mudane Cabdi Fataax waxaa uu ka hadlay waxyaala u qorshaysan wasaaradda sanadka soo socda iyo dhamaanta waxyaalaha ay qabteen Haayada Wasaarada La Shaqeeyaa.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cadde oo isaguna Goobtaasi Ka Hadlay ayaa sheegay inaan walaalaheeda dalka soomaaliya ay maanta laga bilaabo dalka kusoo gali doonaan passaport si dawladaha kale ee aynu jaarka nahay.
“waxaan halkan doonayaa inaan manta ka sheego dhinaca isku socodka bulshada in manta laga bilaabo dadka u dhashay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ay dalka kusoo gali doonaan passa port isla markaana dalka ku joogi doonaan sharci sida wadamada kale kaas oo waliba masuul ay ka noqon doonaan dadka dalkan u dhashay ee reer Somaliland ahi”
Sidoo kale wasiirku waxaa uu ku dheeraaday waxqabadaka wasaarada arrimaha gudaha isa oo ugu danbayntiina badaxweynaha guddoonsiiyey shahaado sharah ay ku maamuuseen dhamaanta waaxaha wasaarada hoos yimaadaan.
Ugu Danbayntii waxaa halkaasi madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo halkaasi kazoo jeediyey hadal kooban oo mahad naqa
Khudbadda Wasiirka Daakhiliga