Published:

Dowlada Somaliland oo u  ogolaatay inuu si naabd ah isaga noqdo meeshuu ka yimid ee Waqooyiga Ameerika iyadoo Ciidankiisi dhaamaantood ay qaabileen ciidanka Qaranka Somaliland

Boorama(GNO) Waxaa isa soo dhiibay maleeshiyadii nabad diidka ahayd ee uu hogaamiyaha u ahaa suldaan Waber oo ay tiradoodu dhantahay 65 askari
oo ay qaar qoryahoogii wataan. Xukuumada Somaliland ayaa suldaan wabar iyo ciidankiisa ka ogo laatay in maleeshiyadiisa la qarameeyo laguna daro ciidamada Qaranka Somaliland. Maleeshiyadan ayaa hada lagu soo wadaa Magaalada Hargaysa, halkaasi oo loo dhaafin doona xaga gobolada bariga Somaliland. Wararka ayaa intaasi kudaray in calaa qof 65ka maleeshiyada ahaa ay xukuumadu siisay qadar lacageed oo dhan calaa nin Halmiyan oo shilinka
Somaliland ah (1,000,000). Suldaan  Wabar ayaa lasheegay in uu isagu ka dhoofay Dalka kadib markii xukuumada Somaliland ay u ogolaatay inuu sinabada uu dalka uga dhoofo. Jabhadan suldaan wabar ayaa intii ay mucaaradka ku
ahayd Xukuumada Somaliland aan awood muuqata lahayn marka laga reebo weeraro gaadmo ah oo ay ka gaysan jireen gobolka Awdal.

News Related