Qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada Sarre oo ka Cabanayey Deeqihii Waxbarasho ee ay Helen oo laga Musuqmaasuqay oo soo Abaabulay Mudaharad
Maamulka Wasaarada Waxbarashada oo Xalinkariwayey Cabashada Ardayda ee ku Aadan Lunsiga Deeqaha waxbarasho
Hargeysa(GNO) Ardaydii ka Baxday Dugsiyada Sarre sannadkan ayaa Cabasho weyn ka muujiyey Musuqmaasuq ay sheegen in Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashadu ku sameeyn Deeqihii Waxbarasho ee Wasaaradu ka helijirtay Waddamada Jaarka ah.
Dugsiyada Cabashadu ugu weyni ka soo yeedhay ayaa kala ah Dugsiyada Sarre ee Faarax Oomar iyo Dayib Guray kuwaasi oo wasaarada ku eedeyey in Ardaydii deeqda Waxbarasho ka heshay Iskuuladaasi laga reebay ardaydii loo diray dalka Itoobiya.
Warar Hoose Wargeyska Waaheen helay ayaa sheegaya in Ardayda Dugsiyadaasi soo Aabulayaan Mudaharaado ka dhan ah Wasaarada Waxbarashada, warku waxa uu intaasi ku darayaa in Goobaha wax lagu daabaco logu arkay Boodhadh ay ardaydaasi sameysanayeen kuwaasi oo halku dhigyo looga dhigay Dawladu waxa ha ka qabato Musuqmaasuqa hadheyey Deeqihii waxbarashada ee Wasarada waxbarashada la siinjiray. wali ma cad wakhtiga ay ugu tallo galleen in ay banaanbaxasi ay qabtaan Balse warar aanu helayno ayaa sheegaya in Mudaharadka ardayda uu soo dadajiyey ka dib markii Shalay kulan ay yeeshen ardaydaasi cabanaysay iyo Maamulka wasaaradaasi aanay wax midho dhal ahi ka soo bixin , isla markana ay ardaydu ku qanciwayday hadaladii kaga yimid maamulka wasaradda.
Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Dheer ayaa Dhawaan wasaaradaasi loo soo magacaabay balse illaa hada wasiirku waxba kamu qabban cabashooyinkaasi ka soo yeedhay Ardaydii Deeqaha waxbarashada helay ee ku doodaya in la Musuqmaasuqay.