Published:

Hargeysa(GNO)  Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa shalay Xoolo baddan ka ururiyey Caasimada Hargeysa isla markana ku qalay Kawaanka Hargeysa.

Dadkii Xoolahaasi lahaa ayaa Qaylo dhaan ka soo yeedhay kuwaasi oo maayirka  ku eedeyey in Xoolahoodii si sharcidaro ah uga urursaday Magaalada isla markana dhammaantoodu Kawaanka Xoolaha lagu qalo geyey, waxaanay dadkaasi ugu baaqeen Maayirka in uu u keeno xoolahoodii ama Qiimaha ay joogen oo lacag ah.

Dhanka kale Maayirka Caasimada Hargeysa ayaa Hore ugu Han-jabay inuu Qalayo Neefka Lagu Arko Magaalada Dhexdeeda, isla oo wakhtigaasi ku dooday in Bilicda Caasimada Xumeynayaan Xooluhu, isla markana Nadaaf xumo ku keenayaan.

News Related