Published:

Tan iyo intii Xisbiga talada hayaa ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyada ee Xisbiga Kulmiye ku soo saaray Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.waxa Gobolka iyo Guud ahaan dalkaba ka jirtay Hoos u dhac wayn oo dhaca Xisbiga la xidhiidha Taasi oo keentay in xataa Hogaankii Xisbiga Cidlo lagaga Dhaqaaqo, kadib markii awoodii dalka Gacanta loo galiyey koox gaara oo aan lexejeclo badan dadka iyo dalkaba aan ka qabin balse hadafkoodu ahaa dhaqaala urursi iyo in ay cid gaar ah soo saaraan, kooxdan oo imika Dibada uga baxday Xisbiga kadib markii ay ka qayb gali waayeen Tartankii Golaha Dhexe ee Xisbigu ku dooranayey Musharaxa MadaxweynahaΒ  Doorashada Soo socota. Hadaba marka laga yimaado Guulfarada ku habsatay kooxdan ee looga adkaaday Tartankii Golaha dhexe,
Waxa jirta Saamayn aan la dhayalsan karin oo ay ku leeyihiin Bulshada Gobolka, waayo Muddadii ay Hogaanka dalka gacanta ku hayeen waxay Abuureen Shabakad ama network aan la dhayalsan karin oo iyaga oo qudha ka tala qaata,
Shabakadaasi waxa ka mid ah Hogaanada Dhaqanka Qaarkood,Β  Culumaa u diinka, Shaqaalaha Dawlada iyo ururarada Bulshada,
Muddaa dheer iyaga ayaa Xukuumadii metalayey islamarkaasna Xisbigiina ahaa, Taasi waxay keentay in dibada loo saaro dadbadan oo xisbiga u soo halgamay , hadaba Suaalaha la isweydiinayo waxa ka mid ah sidee ayaa loo soo celin karaa dadkii Xisbiga Kulmiya Daacada u ahaa ee Muddada dheer cidlada lagaga Dhaqaaqay?
Wasiirada Gobolka intee ayaa awood u leh in ay Xisbiga dib u habayn ku samayn karaan?Β  Hogaanka xisbiguΒ  qaabkee ayuu u wajihi doonaaΒ  soo celinta rajada Xusbiga Maadaama ay Gobolka Gacanta ku hayaan Taageerayaashii kooxda laga adkaaday islamarkaasna ay xidhiidh adag la leeyihiin wali kooxahaasi aynu kor ku soo xusnay,
Arintani ayaa ku adkaan doonta Xisbiga iyo Xukuumadaba haddii aan kaabis iyo wax ka bedal lagu samayn Qaabka ay maanta wax u yaalaan haddii kale waxa suurto gal ah in looga adkaado Xisbul Xaakimka Gobolka Gabiley
Wabillaahi Towfiiq
By Mustafa Sh Abibaker Hussen Togwajale Tell 4466752

News Related