Paris(GNO) Dhimashada weeraradii xalay gilgilay magaalada Paris ee caasimada Faransiiska ayaa gaadhay ugu yaraan 111 Qof. Weerarrada ayaa lala beegsaday Tiyaatar lagu daawanayay bandhig koox Maraykan ahi Muusik ku tumaysay iyo meelo kale oo dhawr ah.
Weerar kale oo qarax ah ayaa la sheegay inuu ka dhacay maqaayad u dhow garoonka kubadda cagta ee Stade de France oo ay ciyaar ku dhaxmaraysay xulalka Faransiiska iyo Jarmalka. Madaxweynaha Faransiiska oo ciyaarta daawanayay ayaa degdeg looga daad gureeyay goobta.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa kadib weerarada shacabka la hadlay una sheegay inay xaaladda dejiyaan, islamarkaana ciidamadu gacanta ku dhigaan ammaanka. Wuxuu sheegay in dalku galay xaalad degdeg ah, sidoo kalena la xidhay dhammaan xuduudaha waddanka.
Weeraradan waxaa loo adeegsaday qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro toos ah oo dablay gaysatay, sida booliska Faransiska laga soo xigtay. Tiyaatarka kumanaan qof ku sugnaayeen ayaa lala soo galay rasaas toos ah, wuxuuna boolisku sheegay in 70 qof halkaasi lagu qabsaday, balse markii Ciidanka Faransiisku isku dayay inay soo furtaan dhammaantood la dilay.
BBC:- Illaa iyo hadda waxaan oghnahay:
1. Ugu yaraan140 qof ayaa lagu dilay weerarro loo adeegsaday rasaas iyo qarxyo ka dhacay dhowr meelood oo caasimadda Paris ah
2. 100 qof oo ka mid ah dadkaasi waxa ay ku dhinteen goobta cawayska Bataclan.
3. Weerarrada kale waxa ay ka dhaceen garoonka kubadda cagta ee Paris iyo mukhaayad ku taalo waqooyiga Paris
4. Faransiiska waxaa lagaga dhawaaqay xaalad deg deg ah, xaduudaha dalkane waa la xidhay.
5. Dadweynaha Paris waxaa loo sheegay inaysan guryahooda ka bixin.