Published:

Ma korihii mala korinayaa.

                                                  Yaa ku Caashaqay?

                                                 Musharax baan ahay

Burburka ku yimaada Hanka iyo Dhawrsanaanta Qaranimo waxay Sobobtaa qiimayn la aan Mudnaan la aan iyo Dadkoo wada Madax noqda, lana kala garan waayo meel ay ka jeedaan iyo meel ay ujeedaan markastana ku mashquula kala saarida arimo kala Muhiimsan kalana mudan oo Maanka hagaagsani Waqti badan ku Mashquuleen.

Hogaan xumada iyo Maamul xumadu waxay lumiyaan Masiirka iyo Karaamada Umadeed waxayna Sobobtaa majaro habow iyo Dadkoo hoos uga dhaca Meeqaamkii ay mudnaayeen.

Dawladnimadu waxay leedahay Darajoojin kala Mudan kalana Sareeya oo ay Muwaadiniinteedu ku kala Magac iyo Manfac sareeyaan oo lagu miisaamo Minqiyaasyo Dhawra kana mid yihin.

Wadaniyada Qofka ku jirta

Daacadnimda

Hawl karnimada

Miiganaanta

Aqoonta

Kobcinta Dhaqaalaha iyo Waxsoosaarka

Dawlad nimadu waata keenta in Sirta Qaranka Dadka qaar laga ilaasho waata keenta in aan Danaha Qaranka Dadka qaarkood lagu aaminin waayo Masiirka Umadeed ma gayo wax Qof ama Qabiil lagu muuneeyo ama muquuno loo siiyo Sida xoolaha.

Ma gasho Raali galin mana Gaydo in Cid  gaara lagu Maslaxo sidoo kale kuma haboona kumana wanaagsana in marnaba Afka lasoo mariyo waa markayagii iyo waa markii Reer Hebal

Waa Masuuliyad Culus oo Saamayn ku leh Hagaaga iyo wanaaga Bulsho ee Aduunyo iyo Ta Aakhiraba.

Baryahan danbe waxa inagu soo badanaysay Dadka u hanqal taagaaya hanashada Talada iyo Maamulka Dalkan Darajaday doonto ha ahaatee halkaana waxa kaaga cadaanaysa in meesha ay ka baxday Mudnaantii ay lahayd lana ilaabay Culayskii ay Masuuliyadu lahayd taasoo kaliftay in Qof kastaaba isku Hantaaqo taasina waxa sobobay Xisaab la aanta iyo kala hufid la aanta Umadeena.

Ma jiro Qof isku Sharxaaya gudashada iyo isku hawlida waajibaadka Qarankan iyo Shacabkiisa oo isku dhan kaliya waxay intooda badani Maskaxda ku hayaan Fulinta Danahooda Shaqsiyadeed iyo ta Qabiilkooda waliba intaa waxa u dheer Sidii Hebal ama Reer Hebal  yeelay aad yeeshid amabase aad yeeshaan.

Arki maysid Qof hogaaminya Aragti iyo Mabaadii uu is leeyahay waxbaad ku horumarin kartaa maqli maysid Kalmad kaliya oo aad ka qorto qof maanta oo dhan hadlaaya oo aan ka ahayn Reer Hebalow codka isiiya iyo Hadaan reer Hebal nahay waa Markayagii maxaa ka xun oo ka liita Qof madax kuugu noqda Magac qabiil ama Mid lacageed miyay ka dhacdaa Qof Xoog kugu Qabsaday.

Waxad is oranaysaa malaha ma jiro Mabda lagu baadi soocaa sidoo kale waxad is oranaysaa malaha waxan loo yaacayaa maba aha wax la wada leeyahay ee malaha waa Geel iyo Xoolo Nin gaar u leeyahay mise inagaan ahayn umad wax dooran karta oo kala garanaysa wanaaga iyo xumaanta mise waxan la qabsanay Nin isagu isa soo dooray waayo hadaad u haysto inaad wax doorato ma dooratid maxaa yeelay markasta waxan isku xiijinaa kala doorashada Niman iyagu isa soo dooray iyagoo tala saartay Xoolahooda iyo Xooga Reerahooda taasina maaha wax ina wadaaya.

Ugu dambayn maanta waxan u baahan nahay Hogaan Iimaan Qaba oo aaminsan in midnimada umadani macno samaynayso oo aan macaanka ka raadin Muga Reerkiisa mid Xoolaha iyo Xeerka Umadu ka Nabad galo oo ka shaqeeya Nasteexadeena iyo Naruuradeena kaasoo markasta la hadlaaya Maanka Gaajaysan lana Hugmaaya Danyarta iyo inta jilicsan kaasoo si Guud iyo Si gaarba u ilaalinaaya Maslaxadeena iyo Sharafteena.

Uma baahnin Beenaale uma baahnin Qabiilayste uma baahnin Musuqayste uma baahnin Mid kusoo caano maalay Qaybi oo Xukun waxan rabaa inaad furtaan maskaxda wax kala Saarta ee kala sarifta Sirta iyo Caadka ee idiin Khiyaaamaya si uu inii qaldo ogaada Bisadu markay jiirka Qabanayso Way is gaabisaa Sanqadhana yaraysaa si ay jiirka u khalado uguna sheegto inayna ahayn Bisadii Miciyaha Adkayd balse markay Qabato waaba bisadi Qaarbaa sidan oo kale isku gaabinayaa wax la rabaa in la fahmo oo Garaadkeenu inoo sheego Hadii kale jiirkaa waxba ma dhaano.

Kii bogaygiyo beerka lulay

Bilo ma aragoo waan bukaa

Baadi doon kiisaan ahaa

Mana badheedhee waan baqaa….

Maxamed Abiib Yuusuf

4459085

Bulaawecade98@hotmail.com

News Related