Hargeysa(GNO)November-11-2015- Maxamed Biixi Yoonis, wasiirkii arrimaha dibadda Somaliland, ahaana musharax u ordayay jagada madaxtinimada Kulmiye ayaa boob cad ku tilmaamay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye u qabsoomay shalay iyo maanta. Waxa uu sheegay in khaladaad badan la galiyay codayntii Xaglotoosiye oo u ordayay jagada madaxweyne xigeenka Kulmiye, sidoo kalena wuxuu raali galiyay Xildhibaan Kijaandhe iyo Beeshiisa.
Wasiirkii hore ee khaarajiga oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay qabteen garabka shirka Kulmiye ka maqnaa waxa uu sheegay in rag badan oo ka maqnaa shirkaasi la samaystay kaadhadhkooda kadibna lagu tagay shirkii Kulmiye u qabsoomay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in hanaankii musharax Xaglotoosiye loola dhaqmay ahayd mid aan caddaalad ahayn. Wuxuu sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynaha oo madasha ka yidhi musharaxiinta ayaan dhex u ahay haddana u codeeyay Cabdiraxmaan Saylici.
Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay shirkii lagu doortay ka sheegay inuu u arko in Cabdicasiis Samaale iyo Maxamed Biixi shirka uga maqnaadeen tudhaale ay u hayaan, si uu si sahlan ugu soo baxo musharaxa, balse sooma hadal qaadin Musharax Kijaandhe.