Published:

Bahalkan waxanu u malaynaa in ay nagu soo daadiyeen Diyaarado Habeenkii na dulmara

 

Hargeysa(GNO) Dadweynaha ku Dhaqan Degmo ka mid ah Gobolka Hawd ayaa waxa la soo daristay cabsiweyn oo ka dhalatay ka dib markii deeganadaasi lagu arkay Xayawaan ku cusub deegankaasi oo lagaranwaayey meel uu ka yimid isla markana leh Labba Lugood una eeg Bini’aadamka,

Bahalkan oo lagu arkay Degmada Sayla Barri gaar ahaana inta u dhexeysa, Sayla,  Bargoo, Guburaha illaa Badhya cune  ayaa Dadkii deeganadaasi ku dhaqan oo u badan dad Xoolo dhaqato ay la soo daristay cabsi weyn oo ay ka qaadeen Bahalkaasi Cilinkisa la saariwayey.

Qaar ka mid ah Dadka deeganka oo nala soo xidhiidhay ayaa Wargeyska waaheen u sheegay in Bahalkaasi uu u egyahay Bini’aadamka in kasta oo uu dhogor baddan leeyahay, Dadka deeganka ayaa sheegay in Bahalkaasi ay filiyaan in ay keenen Diyaarado Muddo dhawr todobaad ah dhulkaasi guuxooda laga Maqlayey.

Maxamed Faarax oo dadka deeganka ka tirsan ayaa noo sheegay sidan “ Runtii Cabsi weynbaa nala soo gudboontay, ka dib markii deeganka u dhexeya Sayla, Bargoo, Gumburaha lagu arkay Bahal Shaash leh oo labba lugood leh isla markana dadka muuqalkooda u dhaw, Tuuloyinka habeenkii lagama baxayo oo bahalkaasi ayaa laga cabsanayaa, habeenba melbaa lagu sheega laakin wali ma jirto cid uu cunay ama khaasto uu dadka u geystay, basle cabsi daradeed ayaa deegankaasi oo dhan carurtii ku noolayd Xoolihii raaciwayday, habeenkii lama soconayo, dee mushkilad badanbuu nagu hayaa, dadku waxay isla dhex marayaan in bahalkan  ay keenen Diyaarado habeen oo dhan aagan ka guuxa, waliba diyaaradahani ma ah kuwo hore loo arki jiray waa qaar joog hoose ku duulaya oo dhulkaasi habeen oo dhan socda, marka waxanu is nidhi malaha waxa keenay bahalkaasi Diyaradhaasi”Ayuu yidhi.

News Related