Published:

Waxa kale oo safarka ku wehelinaayey Yahye Koodbuur iyo Maxamed Cabdi (Badhasaab). Ciyaarta oo maanta aad u xiiso badnayd Arsenal iyo Tottenham

1
Axad8.11.15London(SM)Waxa maanta Garoonka weyn ee Arsenal ee dalka Ingiriiska lagu soo dhaweeyey Fanaanka aadka loo jecel yahay ee Maxamed Bk oo ay wehelinayaan dhalinyaro kale oo ay saaxiibo yihiin,Waxana garoonka kusoo dhaweeyey Orodyahanka Maxamed Farah (MO FARAH) oo maanta casumad ahaan u geeyey fanaanka garoonka Arsenal.

2Waxa kale oo safarka ku wehelinaayey Yahye Koodbuur iyo Maxamed Cabdi (Badhasaab). Ciyaarta oo maanta aad u xiiso badnayd Arsenal iyo Tottenham oo isku dhaafi waayey 1:1 ayaa aad u xiiso badnayd. Maxamed Farah (MO FARAH) waxa uu tageeraa naadiga Arsenal ilaa yaraantisii oo jecel yahay, sidasoo kale waxa uu sida uu hore u shegay uu jecel yahay heesaha Maxamed BK mar la weydiiyey fanaanka heesahiisa uu ugu jecel yahay.Fanaan Maxamed BK oo in dhaweydba ku sugnaa dalkan Ingiriiska gaar ahaan London isaga iyo fanaaniin kale oo Soomaaliyeed ayaa u yimid ka qayb qaadashada todobaadka Soomaalida (Somali Week 2015),waxa kale oo uu bandhigyo u sameeyey Soomaalida dalkan ku nool oo aad losoo buux dhaafiyey.

Kulanka maanta ee Mo Farah iyo Maxamed BK ayaa aad loo hadal hayaa ,meelaha lagu sheekeysto.

Salaanmedia/London

DAAWO SAWIRADA.

121110986432

News Related