Hargeysa(GNO)November-08-2015- Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ahna Musharaxa madaxweyne xigeenka Kulmiye iyo wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ahna musharax madaxweyne xigeen ee Kulmiye ayuu u dhexeeyaa loolan adag oo ku saabsan hanashada golaha dhexe ee Kulmiye si mid walba u gaadho jagada uu qoondaystay.
Labadani masuul ayuu ka dhexeeyaa tartan xamaasad leh maadaama aanay ilaa hadda jirin cid la tartamaysa Muuse Biixi oo u taagan musharaxa xisbiga, kadib markii musharaxiinta isbahaystay maanta iclaamiyeen inaanay ka qayb gali doonin shirka.
Mudane Saylici iyo Xaglotoosiye ayaa ku hirdamaya golaha dhexe ee Kulmiye oo mid walba kulamo kala duwan la yeeshay degaannada kala duwan ee golaha dhexe ka soo kala jeedo. Xaglotoosiye oo qunyar socodnimo ku bilaabay ololihiisa ayaa la sheegtay inuu helay kalsoonida tiro badan oo golaha dhexe ah, taasi oo sababtay in madaxweyne xigeenku dardar galiyo kulamaddiisa golaha dhexe.
Wasiir Xaglotoosiye ayaa sidoo kale la sheegay inuu diiday dalab ahaa inuu tanaasulo oo uga yimid madaxweynaha, wuxuuna ku adkaystay inay ka go’an tahay tartan uu u galo kursiga kuxigeenka madaxweynaha. Waxa uu hore u sheegay in hanashadiisa kursigaasi horseedayso midnimada Somaliland.