Maxaad ka Og-tahay Taarikhda Faca-weyn ee General Cali Xuseen Qormadii 3aad
Cali Xuseen waxa uu waxbarasho ku salaysan ciidan ahaan siin jirtay ururada gobonimodoonka .Xilli ku
dhowayd 1953kiiayaa Muj.Cali Xuseen iyo arday ilaa 16 ah laga siiyay deeq waxbarasho
magaalada Qaahira ee dalka Masaarida, halkaas oo uu ku galay dugsigii Sare, iyo heerkii
Jaamacadakoowaad. Ardayda aadka loo yaqaano ee ay Muj.Cali Xuseen wada tageen
Qaahira xilligaasi waxa ka mid ahaaAmbassadorCabdilaahi Kongo, Axmed Xassan
Muuse (hore wasiirSomaliyau ahaa),Axmed Maxamuud Faarax (IHUN).oo hore wasiir
dawladii Soomaliyaugaahaa, iyo Suldaan Cismaan Cali Kooshin. Waxa kale oo ku jiray
niman fara-badan oo Milaterigii heer sare ka gaadhay sida Dable Jaamac Xaaji Cilmi, iyo
Cabdulqaadir Cumar Askar(IHUN).
Markuu soo dhamaystay waxbarashadii jaamicada
heerka koowaad wuxuu dib ugu soo laabtay dalkiisii hooyo. Muj.Cali Xuseen wuxuu
xidigle ka bilaabay magaalada Hargeysa in yar uun ka dib markiixoriyada la qaatay ee uu
soo dhamaystay waxbarashadiisii heer Jaamacadeed isagoo markaasi aad u da’yar. Muj.Cali
wuxuu markaa ku soo takhasusay aqoonta Isgaadhsiinta Ciidamada.Waxaa sidoo kale u
suurtogashay mudo ka dib inuu waxbarasho kale u tago dalkiiMidawga Sofiyeet
(Ruushka) la odhan jiray.Muj.Cali (IHUN) wuxuu markii hore ku takhasusay aqoonta
Isgaadhsiinta Ciidamada, hase yesshee waxbarashadan isku xigta ee uu u tagay dalkaa
Ruushka ayaa u suurtogalisay inuu degree labaad ku soo qaato sida Ciidamada loo degaal
geliyo.Wuxuu kasoo qaatay jaamacada Milateriga ee Ruushka ugu caansan lana yidhaa
Furuunsa iyo iskuul ciidamada lagu tababari jiray oo Maraykan ku yaallay gobolka Texas
oo uu casharo gaagaaban ka qaatay wuxuu takhasuskiisii isu badalay oo uu khabiirku
noqday habka dagaal gelinta ciidanka. Gen.Cali wuxuu ku hadli jiray Shanta luqadood ee
uu ku hadli jiray si wanaagsan waxaanaykala ahaayeen;
1. English 2. Arabic 3. Ruush 4. Talyaani5. Soomaali-
XoogsiTagistii Mujaahidka:
Sidaan korba ku xusnay Muj.Cali Xuseen wuxuu xidigle ka
bilaabay magaalada Hargeysa in yar uun kadib markii xoriyada la qaatay ee uu soo
dhamaystay waxbarashadiisii heer Jaamacadeed isagoo markaasi aad u da’yar. Siday
dalacaadba dalacaad ugu gubinaysay wuxuu gaadhay darajada Jeneraal.Waxaana u suurto
gashay inuu isagoo sarkaal sare oo ciidan ah ka soo shaqeeyo gobolo badan oo ka mid ah
dalkii la odhan jiray Somaliya.Wuxuu noloshiisa ku qaatay xero ciidan .Mujaahidku
wuxuu guulo la taaban karo ka soo hooyey dagaalkii 1964.Mujaahid GeneralCali Xuseen
waxaa kaloo khibradiisa iyo ruug cadaanimadiisa milaterinimolaga faa’iiday berigii
dagaalkii 1977kii ee dhexmaray dawladiiSoomaaliya iyo dawladii Itoobiya .Mujaahidiinta
inuu ahaa raggii ugu waaweynaa qoladii dagaalka horkacaysay wataynaciidamadii
xoreeyay Qabri-dahare, Dhegax-buur, iyo qaarfarabadan ee markii danbena Jig-Jiga galay
ilaa duleedkaDiri-dhaba, ayaa xilligii dagaalkaasi uu Mujaahidku isagoo ciidan xoogleh
wata ayaa tuulo ay haysateen ciidankii Itoobiya uu kaga saaraytuuladaasi si la yaab leh, oo
gashay runtii taariikhda dadkaMilterinimada u kuur gala, oo ay ilaa maanta ku xasuusan la soco…
W/Q
Qaasim Abokor Cali
Hargeysa/somaliland