Published:

Daawo: Wasiir CUKUSE Oo Si Cad Madaxtooyadda Dhex-deeda Uga Sheegay Inuu La Safan yahay Wasiiradda Is-casiley,Balse Ay La Noqon Weyday In Madaxweynihii Magaacabay Uu Ku Badhi-furro

Hargeysa(GNO)November-04-2015Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa shaaciyay inuu codkiisa siin doono musharaxiinta isbahaystay marka la gaadho shirka golaha dhexe ee Kulmiye.

 

Waxa uu sheegay in Email-kiisa iyo teleefankiisaba lagaga soo wareeriyay sababta uu uga hadhay musharaxiinta isbahaystay iyo masuuliyiintii iscasilay ee uu ka mid ahaa, balse wuxuu ku dooday inuu madaxweynaha kala xishooday inuu xilkaasi iska casilo. Waxa uu sheegay in isagoo xilka haya uu haddana la socdo musharaxiinta isbahaystay.

 

Wasiir Cukuse ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay madaxtooyada oo ay xilalka kulak ala wareegayeenΒ  wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirka cusub Maxamuud Xaashi Cabdi.

https://youtu.be/Aph-0lT3MeI

News Related