Published:

Hargeysa(GNO)November-03-2015- Dr Cabdi Awdaahir Cali, oo xukumadda Siilaanyo ka soo qabtay xilalka wasaaraddaha xannaanada xoolaha iyo shaqada iyo arrimaha bulshada, ayaa qoraal uu soo saaray ku tilmaamay in muddo 13 sanno kadib ah ay madaxweyne Siilaanyo fikirka siyaasiga ah ku kala baydheen.

 

Waxa uu bulshada ugu baaqay midnimada iyo inaan loo arag in qaranimada lagu kala duwan yahay. Wuxuu si gaar ah midnimada iyo horumarka ugu dardaaray bulshada gobolka Togdheer ee Dr Cabdi Awdaahir ka soo jeedo.

Qoraal uu arrintan kaga hadlay oo uu boggiisa Facebook iyo Twitter-ka ku baahiyay ayaa u dhignayd sidan:-

FARRIIN

Muddadii 13 ka sanadood waxaan Ku qanacsanaa hogaaminta madaxweyne Siilaanyo , mar aanu ahayn mucaarid Kulmiye Iyo mar aanu ahayn Xisbiga talada Dalka hayaba Maanta Waxaan Ku kala aragti duwanaanay oo keliya Cidda Xisbigu u dooranaayo hoggaaminta dalka ee Mustaqbalka marka ay mudda Xileedkiisanu dhamaado madaxweynaha . Waana mabaadii dimoqraadi ah oo caadi ah . Ilaahay waxaan uga baryayaa in uu Xilka weyn ee qaranka u hayo Ku garab galo . Waanan uga mahad celinaynaa muddadii aan wada Shaqaynaynay .

Shacabka Reer Somaliland waa in ay u kala suntanaadaan arrimaha mabaadiida siyaasiga ee Lagu kala aragti duwan yahay Iyo arrimaha midnimada Qaranka SOMALILAND. Waxaan Ku boorinayaa Umadda Reer SOMALILAND in ay u Midoobaan qaranimada Somaliland. Waana taa taan U taaganahay Meel kasta oo aan joogo .

Si gaar ah halkan Waxaan uga xusayaa shacabka Reer Togdheer oo ah xudunta SOMALILAND ( Bari , Galbeed , Iyo waqooyiba ) in ay u midoobaan gaar ahaan horumarinta gobolkooda Iyo Guud ahaan midnimada Qaranka SOMALILAND.

 

News Related