Hargeysa(GNO)November-02-2015- Munaasibad balaadhan oo ay leeyihiin musharaxiinta isbahaystay ee Kulmiye ayaa ka bilaamaysa hotelka Crown ee magaalada Hargeysa. Munaasibadda oo ah mid qado sharaf ah ayaa lagu sharxay boodhadh muujinaya ujeedka munaasibadda oo lagu durayo madaxtooyada iyo hogaanka Kulmiye.
Musharaxiinta qado sharaftan leh ayaa kala ah musharax Cabdicasiis Samaale, Musharax xildhibaan Kijaandhe iyo musharax Maxamed Biixi Yoonis, kuwaasi oo u ordaya musharaxnimada madaxtinimo ee xisbiga Kulmiye. Waxaa madasha ku sugan wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee iscasilay.
Musharaxiinta ayaa sheegay inaanay aqbalin guddida madaxweyne Siilaanyo u magacaabay khilaafka Kulmiye. waxay ku sababeeyeen in xubnaha la magacaabay ku magacaaban yihiin digreeto madaxweyne, sidaasi darteedna iyagu tabashada ka qabaan madaxweynaha Somaliland oo aan dhex ka ahayn loolanka Kulmiye, sidaas darteedna aanay u aqbalayn in madaxweyne ay tabasho ka tirsanayaan cid u magacaabo. waxay carrabka ku adkeeyeen in xisbiga Kulmiye laga hirgaliyo tartan xor iyo xalaal ah.
Munaasibada ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxweyne Siilaanyo xalay khilaafka Kulmiye u magacaabay guddi ka madax banaan labada dhinac ee isku haya Kulmiye.
–