Published:

 

000000000000000000Kulan qado ah oo Garabka Sadexda musharax ee golaha dhexe

ku yeelanayaan Hotel Crown oo laga dhur-sugayo waxa ka soo baxa

Hargeysa(GNO) Isbahaysiga sadexda musharax ee u tartmayey jagada Madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye ayaa habeenkii labaad xalay ku gacansaydhay martiqaad uu madaxweyne siilaanyo u fidiyey oo uu doonayey in uu ku hordhigo qorshe kale oo uu doonayo in lagu furdaamiyo khilaafka shirka Golaha Dhexe.

Wararka Waaheen helayso ayaa sheegaya inay sadexda musharax iyo taageerayaashooda golaha Dhexe diideen labadii habeen ee u danbeeyey qorshe madaxweyne siilaanyo ku abuurayey guddi cusub oo loo saaro dajinta khilaafka xisbiga Kulmiye, kuwaasoo tibaaxaha soo baxayaa ay sheegayaan inay ka mid yihiin masuuliyiin xilal ka haya hay’addaha Qaranka qaarkood.

Martiqaadka madaxweyne siilaanyo iyo diidmada musharaxiinta mid kood na si rasmi ah looma shaacin, hase yeeshee waxa wararka ka soo baxaya labada dhinacba iftiiminayaan inay arrintani hakisay wadahadal labadii habeen ee ugu danbeeyey ka dhici lahaa qasriga madaxtooyadda, kaasoo daba socday laba kulan oo uu madaxweynuhu la kala yeeshay labada garab. Lama oga talaabada xigi doonta ee ay labada dhinac kala qaadi doonaan, hase yeeshee xaaladda Xukuumadda iyo labada garab ee kulmiye waxay u muuqdaan kuwo mugdi sii galaya isla markaana luminaya rajada laga qabo inay meel uu isugu biyo shubtaan khilaafka Kulmiye. Dhinaca kale, warar kale oo xalay soo baxay ayaa sheegaya in sadexda musharax ee isbahaysiga ah iyo taageerayaashooda golaha dhexe ay manta hotel crown ku qabsan doonaan kulan qado ah, kaasoo ay ku faahfaahin doonaan talaabada ay qaadi doonaan maalmaha soo socda.

News Related