Published:

Hargeysa(GNO)Okt.30-2015- Hogaamiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa u muuqda inuu indhaha ka lalinayo khilaafka xisbiga Kulmiye ee ku salaysan qabanqaabada shirka Kulmiye ee lagu dooranayo musharaxa. Waxa uu cabashada musharaxiinta isbahaystay ku tilmaamay goolaaftan siyaasadeed.

“Waxaan cid walba u sheegayaa shirkii inuu qabsoomayo 10-ka November hawlihiisiina ay dhammaadeen. Waxay imika marayaan inta qaadatay kaadhadhka golaha dhexe ee dalka joogtaa saddex boqol iyo dhawr iyo labaatan. Inta haddhay ee dalka joogtaa waxaa laga yabaa inaanay sodomeeyo ka badnayn. Intaasina waa inay ka soo gaadhaan kooramkuna waa dhan yahay,” ayuu yidhi Muuse.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeedinayay munaasibad xubnaha golaha dhexe ee Awdal iyo Salal ku maamuuseen guddoomiye Muuse iyo Madaxweyne xigeenku wuxuu sheegay in hawlaha shirku dhan yahay, rajo fiicana uu ka qabo inuu wakhtigiisa ku qabsoomi doono.

“Ilaa hadda ma jirto wax dacwad ah, ama cabasho ah oo rasmi ah oo shirkaas cidda musharaxa ah ama hawl wadeennada ah oo ay ka cabatay oo ay distoorka u cuskatay oo I soo gaadhay oo dadka hawsha wada loo soo gudbiyay ma hayo. Mar haddaanay cabasho  rasmi ah oo xisbiga timid aanay jirin, wax aanu ka garnaqno oo aan qaadaba garan maayo. Waxa warbaahinta laga leeyahayna waxaan u arkaa goolaaftan siyaasadeed oo wax lagu ruxruxayo, taana ninka siyaasiga ahi xaq buu u leeyahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

Waxa uu intaasi raaciyay “Waxaan umadda Somaliland iyo caalamkaba u sheegayaa inaanay xisbiga  wax khalkhal ah iyo wax dhibaato ahi dhexdiisa ka jirin. Dad baa saxaafadda ku cawda oo aan si rasmi ah u caban ilaa hadda, iyagana waxaan leeyahay hadday cabasho jirto si rasmi ah u cawda, waa la idinla eegi, halkaa doontaan ayaa la idinku qancin doonaa ee cabashadiina soo gudbiya. Waa inoo nabad, waa inoo shir fiican,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Hadalka Guddoomiyaha Kulmiye ayaa ku soo beegmaya xilli labadii cisho ee u dambeeyay garabka musharaxiinta kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe saxaafadda ka sheegayeen caddaalad darro ka jirta qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye, islamarkaana ku doodayeen in shirku u afduuban yahay musharax  Muuse Biixi 

News Related