Published:

Hargeysa(GNO)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan oo iska Casilay Xilkii Wasiir Nimo ee ay ka hayeen Xukuumada Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

sidoo kale waxaa iyaguna is casilay Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdi aw-daahir, Wasiirka Hawlaha Guud C/rsaaq Khaliif, Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud Marwo Nimco xuseen Qawdhan. Wasiirka Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid iyo Masuuliyiin kale oo la Filayo in ay is casilaan

Wasiiradan ayaa imika Shirjaraa’id oo ay qabayaa ku shaaciyey is Casilaadooda, Arintan ayaa timid ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo Amar ku siiyey Wasiirada Beeshiisa inay Taageeraan Muuse Biixi hadii kale uu talaabo ka qaadi doono.

La soco wixii warar ah ee soo Kordha isha ku hay Shabakada Gabileynews.net

News Related