Published:

Burco (GNO) Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ilayska Togdheer Magalada Burco ayaa Xaflad Sagootin ah u Qabtay Sagaal arday Dhamaystay Dugsiga Sare Kuwaasi Oo Deeq Waxbarasho ka Helay Dalka Ethiopia,
Xafladani Baladhan Ee Lagu Sagotinayay Ardaydani ka Baxday Dugsiga Sare ilayska Togdheer Magalada Burco ayaa waxa ka soo qayb-galay Badhisab ku Xigenka Togdheer,Mayirka Degmada Burco,Maamulka iyo Macalimiinta Dugsigaasi,Arday iyo Waliba Marti Sharaf Kale Duwan,
Ugu Horraynba Waxa Munasibadaasi ka hadlay Maamulaha Dugsiga ilayska Togdheer Magalada Burco Sheikh Mowliid Waxaanu Fahfahin ka bixiyay Marxaladihii Kale Duwanaa Ee Uu Soo Maray Dugsigani iyo Waliba Ardaydani Deeqda Waxbarasho ka helay Dalka Ethiopia,
Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan “ Runtii Maanta Waa Guul usoo Hoyotay Dugsiga ilayska Togdheer iyo Bulshada Reer Burcaba in ardaydii dhamaysatay Dugsiga Sare ay Deeq Waxbarasho ka helaan Dalka Ethiopia,Runtii Guushan Uu Gaadhay ilayska Togdheer Waa Mid Laga Soo Shaqeyay,Runti Waa Guul Aanu is Lenahay Mustaqbalka Danbe iskuulka ilayska Togdheer Waxbay ka Taraysaa iyo iskulada kalaba Mustaqbalka Danbe Gobalkana Waxbay ku soo Kordhinaysaa” Ayuu Yidhi Maamulaha Dugsiga ilayska Togdheer

12345
Maamule ku Xigenka Dugsigaasi Cabdixakiim Muuse Cali ayaa isaguna Shegay inay ka dugsi ahaan ay ka go-an tahay inay tageraan ardayda dedalaysa una raadiyan deeqo waxbarasho dalka dibadiisa ah,
Waxaana ka mid ahaa hadalidisii sida tan “ Maanta waxaynu isugu nimi inaynu sagootino ardaydii dhamaysatay dugsiga sare ilayska togdheer oo deeq waxbarasho ka helay dalka Ethiopia runtii waa guul Aad u wayn Oo Uu Gaadhay Dugsigani, dugsiga ilayska togdheer waxa uu ku faraxsan yahay in dugsiga oo muddo dheer uu helo deeq waxbarasho,Waxa noo Farxad ah in Aanu ku Gulaysanay Deeqdasi Waxbarasho,Dugsigu Waxa Uu Dedaal Dheer u Galay sidii uu deeqdasi waxbarasho u heli-lahaa lana xidhidhay wadamo faro badan deeqo waxbarasho bixiya,Runtii Bulshada Gobalka Togdheer Oo Dhanba Guul ayay u Tahay in sagaal arday ay deeq waxbarasho helaan ardaydaasi Sideed ka Mid ahi Waxay soo Baranayaan Kuuliyada Cafimaadka halka Mid ka mid ahna Ardaydaasi Uu Soo Baran Doono Dhulka,Waxaan sidoo kale idinku Busharaynayaa inuu Dugsigani ilayska Togdheer soo Kordhiyay Lap Casriya ” Ayuu Yidhi Maamule ku Xigenk Dugsigaasi
Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad,Badhisab ku Xigenka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd,Gudomiye ku Xigenka Jamacada Burco,Maayirkii hore Burco Maxamuud Dhega-laab iyo Gudomiye ku Xigenkii hore Jamacada Burco Sheikh ismaaciil Caraale,Chief Caaqil Ahmed Kayse Maxamed Daahir oo iyaguna Xafladaasi ka hadlay ayaa dugsiga ilayska togdheer ku amanay kaalinta fiican ee ay kaga jiraan dugsiga gobalka togdheer
Waxaanay ardaydaasi helay deeqda waxbarasho kula dardarmeen inay sii laban-labaan dedaalkoda waxbarasho isla markaasna ay ka midho dhaliyaan Hiigsigooda Waxbarasho
Ugu Danbayntii Deeqdani Waxbarasho ardayda ka baxday Dugsiga ilayska Togdheer Magalada Burco ayaa Noqonaya Dugsigii Ugu Horeyay Ee ku Yaala Gobalka Togdheer Oo Deeq Waxbarasho ka Hela Jamacadaha ku Yaala Dalka Dibadiisa,

 

News Related