Published:

“Askari lebisan oo ayaa saldhiga dhexdiisa  siduu budh iila dhacayey Dhulka iigu tuuray”  khaddar Aadan Cabdilaahi (Raanbow )

Hargeysa(GNO)-Booliska Saldhiga New hargeysa, ayaa jidh dil iyo handiddaad u geystay mid kamida kooxda fanka ee Nice Star oo ka dhisan magaalada Hargeysa, kaasoo saldhiga ku booqday  qof  qoyskiisa ka tirsan oo halkaa ku xidhan.

Sidaas, waxa warbaahinta Gobanimonews u  sheegay Khadar Aadan Cabdilaahi ( Khadar Raanboow) oo ah fanaanka waxyeellada loogu gestay saladhiga oo ay dhaawacyo jidheed ka so gaadheen madaxa iyo meello kale oo ka mid ah Jidhkiisa.

Fannaanka ayaa sheegay in askari ka tirsan Saldhigu budh la dhacay, isla markaana dhowr nabar oo cul-culus ka gaadhsiiyey Madaxa,  Garabka  bidix iyo Lugta bidix, waxaanu intaas raaciyey in askarigu nabarka ku bilaabay isagoo aan arkayn, kaddibna uu daba u hayay ilaa uu dhulka ugu tuuray ama uu dawakhay.

“waxaan qado ugu geeyey hooyaday oo ku xidhan saldhiga, anigoo hortaagan halkii ay ku xidhnayd oo u dhiibiya cuntadi, ayaa nin askari ah oo qaylinayaa xagga dambe igaga yimi, kaddibna wuxuu isu kay raaciyey dhaqaaq iyo nabarkii u horeeyey oo uu madaxa igaga dhuftay” ayuu yidhi Khadar.

 Waxa intaas ku daray “markuu nabarka igu dhuftay ayuu anigoo dawakhsan qadaadka i qabtay oo uu gidaar ii dhawaa hadana igu tuuray, dabadeedna gidaarkii ay qabsaday. Anigoo gidaarkii haysta ayuu iga daba yimi askarigii oo uu hadana budhkii ila sii dhacay, ilaa aan dhulka galay, oo uu dhiigayga arkay, isna wuxuu dhex galay dad meesha ku tukanayey” .

Khadar Raanbow oo ah Fannaan da’ yar oo caan ku ah tumista Muusiga, suugaantana curiyey, isla markaana Laxamiste ah,   dhinaca kalena ka tirsan bahda Warbaahinta oo uu kaga shaqayn jiray wariyenimo, ayaa isagoo ka sii waramaya waxa uu tilmaamay “ kolkii aan dhacay dadkii i ag-joogay oo maxaabiis dibada joogay u badnaa, ayaa igu soo yaacay oo biyo igu rusheeyey, kaddibna markii dhiigii iga joogsaday, ayaan soo kacay oo aan askartii kale ee saldhiga joogtay u sheegay falka lay geystay anigoo filayey in talaabo laga qaado askariga i dilay, dhaawac muujin ama refeertona la ii siiyo si aan dhakhtarka u tago.

“Laakiinse nasiib daro askartii kalena waxaan kala kulmay jawaab aannan filay; dhaaf meesha  oo orod  farmasiiyadaa iska dhay, hadii kale waanu ku xerayn”  ayay iigu hanjabeen, kaddibna waan iskaga imi” ayuu ku doodday Khadar.

Geesta kalena, Saraakiisha Madaxda ka ah Saldhiga oo aanu la xidhiidhnay si dhacdadan aanu wax uga waydiino dhankooda ayaan wax jawaab ah ka bixin cabashada fanaankan in askartu jidh-dishay sheegay. “ war uma hayo aniguye hadii ay jirto oo uu waxyeello qabo ha yimaado saldhiga waanu baadhaynaa kiiskiisee” ayuu sheegay Taliye ku-xigeenka qaybta Bariga Hargeysa   Cumar oo aanu dhacdada wax ka waydiinay, kaddib markii aanu Telefoon kula xidhiidhnay.

Xubno kale oo kamida Saraakiisha Saldhiga oo aanu la xidhiidhnay, ayaa iyaguna ka gaabsaday arrintaasi, iyagoo ku doodday inaanay xogogaal u ahayn dhacdan.

Askarta ka howl-gala Saldhigyada Booliska ee xaafadaha ayaa inta badan waxa lagaga cawdaa inay dadka ku xidhaan laaluush uu qof siiyey , isagoo u adeegsanaya inuu ku ciqaabo ruux kale oo ay dacwadi ka dhaxayso, taasoo inta badan sababta isjiid-jiidasho dhinacyada ah iyo inaan lagu kalsoonaan Askarta saldhig-xaafaddeedyada.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Wixii macluumaad dheeraada kala xidhiidha dhibanaha telefoonkiisa; 0634478072

News Related