Published:

Muwaadin Cali Maxamed Rooble (Cali-faras) oo ah Muwaadin Deggen caasimadda Hargeysa, ayaa si weyn cabasho uga muujiyey Aqal Dawladdu lahayd oo uu muddo dheer kusoo jirey, kaas oo sida uu sheegay si xoog ah loogaga saaray, isla-markaa khasaareyaal kala duwan lagu gaadhsiiyey Maati halkaasi ku jirtey.Cali faras

Muwaadin Cali-faras oo wargeyska Hubaal u warramay, ayaa sheegay in aqalkaaas oo uu muddo 24-sano ah kusoo jirey lagu wareejiyey Ganacsato gaar ah, isla-markaana  si milgaha ka baxsan loola dhaqmay, “Anigoo ah muwaadin Cali Maxamed Rooble, waxa aan si weyn uga cabanayaa dhibaato la igu gaadhsiiyey Guri dawladdu lahayd oo aan ku jirey muddo 24-sano aniga iyo muwaadin Aadan Maal oo ah nin mujaahid ah.waxa ay dawladdu xidhay ninkii mujaahidka ahaa ee aanu guriga ku wada jirney, naloo dhigay, wasiirka amnigaana noo yimi waxana aan ku idhi idinku gacantiisa ku rara, iyagaana gacantooda ku raray. Markii aan idhi side wax u dheceena waxa ay yidhaahdeen Xukuumadda, ayaa Ganacsade ina faarax xarbi siiyey.” Ayuu yidhi Muwaadin Cali Faras. Muwaadin Cali Faras oo hadalkiisa sii wata, ayaa farriin qiiro leh u diray madaxweynaha Somaliland, waxana uu codsaday in wax laga qabto Dulmi uu sheegay in carruurtiisii iyo hantidiisii lagu soo qaaday, waxana uu yidhi,“anigu madaxweynaha waxan ka codsanayaa haddii arrintaasi dhab tahay dad maati ah ayaanu nahay oo masuulkoodii u cabanaysa, Hantidadayadiina cidla ayey taalla, ina faarax xarbi iyo annaguna isku mid baanu nahaye madaxweyne Arrintaas wax ka qabo ubadkiina cidla ayey wadhan yihiin, dhibaatada na gaadhayna saraakiil ciidanka Booliska ah ayaa noo geystay waxaas.” Aqalka uu cabashada weyn ka muujiyey Muwaadin Cali-faras, ayaa  ah mid hadalkiisu muddo dheer soo taagnaa, waxana haatan xukuumaddu gacanta ka gelisay Ganacsade madax bannaan, kaas oo dib u habayn ku wada.cali faras

News Related