Published:

Waxa dhamaan jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka Finland gaar ahaan bulshadda reer Somaliland ee ku nool caasimadda Helsinki iyo magaalooyinka agagaarkeeda ah la ogaysiinayaa in maalinta Sabtida ah 24.10.2015 uu la kulmi doono Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee S/land ahna Gudoomiyaha xisbiga Waddani Mudane C/raxman Max’ed C/llaahi (Cirro)  jaaliyadda reer Somaliland ee Finland ku nool.

Waxa kulankaasi lagu qaban doona  maalinta sabtida ah 24.10.2015 goobtu waa Arabianpolku 1 a  Helsinki saacadduna waa 17:00 Galabnimo (insha allah).

Wixii macluumad ama war dheerad ahna waxaad kala xidhiidhi kartaan telefanadda hoos ku qoran.

+358408183545 ama +358466570726

 

ALLAH WEYN BAA MAHAD LEH

News Related