Published:

 

Hargeysa(GNO) koox uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi oo sidata magaca Habar awal ayaa caawa kulan kula leh Qasriga Madaxtooyadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay ula tagayaan Farriin ah inay beeshu taageersan tahay Musharaxnimadiisa, isla markaana waxay weydiisanayaan in uu taageero uga raadiyo Beeshiisa iyo beelaha kale maadaama uu awoodi karo in uu awaamiir siin karo Golihiisa wasiiradda oo aad uga soo horjeeda iyo xubnaha ay Golaha Dhexe ku leeyihiin.

makamFarriiintan oo ay soo abaabuleen koox taageerta Muuse Biixi ayaa la sheegayaa in ay ka biyo diideen musharaxiinta kale ee kula loolamaysa kursiga, kuwaas oo ay shalay isla qasriga Madaxtooyadda kaga soo wada baxeen heshiis ah in ay Tartan xalaal ah wada galaan musharaxiintu oo aanay Madaxtoyaddu u kala hiilin.

Wararka ka soo baxaya kulanka caawa iyo abaabulkiisa ayaa sheegaya in ay ka maqan yihiin xubno badan oo beesha Habar awal kaga jirta Golaha Dhexe, kuwaas oo ka soo horjeeda Muuse Biixi iyo Madaxtooyadda qorshayaasha ay ka wado magaaladda Berbera gaar ahaan haamaha Shiidaalka oo khilaaf ka taagan yahay.

Waxa magaaladda Hargeysa iyo Berbera lagu arkayey in Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor xoor uu dhaqaale badan ku bixinayey isla markaana u xusul duubnaa in uu soo xero galiyo xubnaha Golaha Dhexe kaga jira beeshiisa kuwaas oo ah shakhsiyaadka ugu fog ee ka soo horjeeda awaamiirta ka soo baxaysa Madaxtooyadda, hase yeeshee uu ku Guuldaraystay in uu ku hagaajiyo kulanka Madaxtooyadda.

Musharaxiinta la Loolamaysa Muuse Biixi ayaa iyana dhinacooda qorshaynaya abaabul ka awood badan ka caawa ay kooxdiisu ka wado Madaxtooyadda, waxaana jirar kala duwan oo ay qaarkood wadaan dad laga reebay Liiska Golaha Dhexe ee ay kooxda Muuse gacanta ku hayso, isla markaana ay qaarkood kaadhadhka u sameeyeen.

Kulanka caawa ka socda Madaxtooyadda ayaa u muuqda in uu xaaladda xisbiga sii murgin doonto.

News Related