Published:

 Waxaa la Ogaysiinayaa Dadwaynaha Reer Somaliland ee ku Dhaqan Wadanka jarmalka iyo hareerihiisa in Dhawaan Dalka uu kusoo fool leeyahay  Musharaxa Jagada Madaxwaynenimo ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo Munaasabad Balaadhan oo loogu Samayn doono Magaalada Mönchengladbach ee Gobolka Nordrhein Westfahlen, Taariikhdu marka ay tahay (31/10/2015)  saacaduna tahay 5:00 pm Galabnimo illaa waabariga. goobtu waa Hotel Frambach Beckrather Strasse 24 41189 Mönchengladbach

Waxaa lagu Wargalinayaa Taageerayaasha Xisbiga iyo Dadwaynaha kale ee ka soo qayb galaya Xafalda Soo dhawaynta Jamaal Cali Xuseen oo Si wayn loogu Diyaar garoobay in ay wakhtiga dhawraan iyada oo goobta ay idinka kala soo qayb gali doonaan Fanaaniin Caan  ka ah Gayiga Somalida oo loo soo Xulay Soo dhawaynta Musharaxa.jamaal

 Wixii Faahfaahina ee intaa Dheer kala Xidhiidh Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga UCID ee Dalka Jarmalka Axmed Xaaji Nuur Sarmaan. 015215948462.
Haldoornews.com
contact@haldoornews.com
Kassel Germany

News Related