“Waa inaan ka iibsano hubkooda culus annagoo lacag badan ku bixinayna.”ayaa lagu qoray email cinwaan loogaga dhigay “Sir Culus”
Hargeysa(GNO) Okt.18, 2015 – Warbixin ay soo daabacday shabakada wax kashifta ee WikiLeaks bishan ayaa lagu sheegay in Ururkii Maxaakiimta Islaamiga ah ay qorsheynayeen in ay afgambiyaan maamulka Puntland iyo dawladda Somaliland kahor inta aanay ciidamada Itoobiya aysan burburin ururkan sanadkii 2006.
Sida ay shabakadan daabacday mid kamid ah hogaamiyaashii Maxkamadaha Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa qoraal sir ah oo uu ugu direy email dhammaan hogaamiyaashii ururkaas, waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay in ciidamadooda ay si qarsoodi ah ugu biiraan askarta Somaliland iyo maamulka Puntland, taas oo marka dambe suurtogelin karta in la afgambiyo labadoodaba.
Qoraalka Emailka ah ayaa sheekh Aweys uu ugu sheegay hogaamiyaashii Maxkamadaha in ay muhiim tahay in wasiiro iyo mas’uuliyiin inay ku yeeshaan Somaliland iyo maamulka Puntland si marka dambe labadoodaba loogu soo rogo ku dhaqanka shareecada Islaamka.
“In laga furo Maxkamado Puntland iyo Somaliland waa muhiim, waxa aan ka iibsan karnaa ciidamadooda hubka ay haystaan, waana inaan ka joojino hubka soo galayo maamulada ee ay dowlada Soomaaliya u direyso labada maamul.”ayuu Mr. Aways ku sheegay emailka.
Si loo hirgeliyo qorshahan ayaa shabakada Wikileaks waxa ay qortay in Shiikh Xasan Dahir uu ku taliyay in si dhaqso ah loo bilaabo sidii la isugu dayi lahaa in la xumeeyo xiriirka u dhexeeya maamulada Puntland,Somaliland iyo Ethiopia iyadoo loo marayo hogaamiyaasha qabaa’ilada.
“Waa inaan ka iibsano hubkooda culus annagoo lacag badan ku bixinayna.”ayaa lagu qoray email cinwaan loogaga dhigay “Sir Culus”.Qorshayaasha ka baxsan hogaamiyaasha Maxaakiimta ayaa waxaa ka mid ahaa in la aasaaso koox si gaadmo ku ugaarsata oo ku disha madaxda Puntland iyo Somaliland.