Daawo Sawiro:Kulan Balaadhan oo loogu gogol Xaadhayay Sidii Ay Dawladda Hoose ee Tower Hamlet (Bariga London) u Aqoonsanlahayd Somaliland oo ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Dagmadaasi.
Sabti.18.10.15Lond(GNO)Kulanka oo dhacay Maalinamadii shalay oo ku beegnayd 16/10/2015,ayaa waxa soo qaban qaabisay Amina Cali oo ka mid ah Xilibaanada golaha Deegaanka ee Dagmada Tower
Kulan Balaadhan oo loogu gogol Xaadhayay Sidii Ay Dawladda Hoose ee Toewer Hamlet ee u Aqoonsanlahayd Somaliland oo ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Dagmadaasi.
Kulan Balaadhan oo lagaga hadlayay sidii ay Degmada Tower Hamlet u aqoonsan lahayd Somaliland ayaa waxa uu ka dhacay Daarta Mulberry Place ee Xarunta Dawladda Hoose ee Dagmada Tower Hamlet ee Bariga Magaalada London.
Kulanka oo dhacay Maalinamadii shalay oo ku beegnayd 16/10/2015,ayaa waxa soo qaban qaabisay Amina Cali oo ka mid ah Xilibaanada golaha Deegaanka ee Dagmada Tower Hamlet,taasi oo ay kusoo baxday Xilibaanimada Doorashooyinkii Dawladaha hoose ee Sanadkii 2014,waxana ay ka soo baxday xaafadda Bow East, waxa kale oo iyana Gacan ka siiyay qabsoomidda shirkan labada Xubnood ee kala ah Mustafe Ibraahimiyo Maxamed Xusein Shadwell oo Ka mid Bulshada Ku nool Degmada Tower Hamlet ee ka tirsan Magaalada London.
Arinta ugu Muhiimsan ee kulankan ayaa waxa ay ahayd mid loogu gogol Xaadhayay,sidii golaha Deegaanka Tower Hamlet ay u aqoonsanlahaayeen Somaliland ,iyada oo bisha November 17 ee Sanadkan ay cod u qaadi doonaan Xilibaanada Golaha Degmadu , kadibna maalintaa Calanka Somaliland lasaari doono Xuranta Dawladda Hoose ee Tower Hamlet.
Dhinaca kale arinta kale ee iyana Xusidda mudan ee kulankani Daarnaa waxa ka mid ahaa Sidii loo Mataanayn lahaa Dagmada Tower Hamlet iyo Gobolka Togdheer ee Somaliland, iyo sidii loo xoojin lahaa Xidhiidhka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingriiska.
Sidoo kale Kulanka ayaa ahaa mid ay Badiba Joogeen Xilibaanadda Dowaladda Hoose ee Dagmadu oo ugu Horeeyo Maayarka Tower Hamlet John Biggs,Waxana ay dhamaantood ka hadleen kaalinta Muhiimka ah ee Bulshada Somaliland ka ciyaarto Demada Tower Hamlet.
Geesta kale Waxa iyana Kasoo qayb galay Xubno ka socday Xukuumadda Somaliland oo uu Ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xasan, Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ingriiska Cali Aadan Cawaale,Masuuliyiin ka socotay Xisbiyada Mucaaradka ee Ucid ,Waddani,Xubno ka socday Jaaliyadda Somaliland ee East London Somaliland Alliance iyo Marti sharaf kale.
Ugu danbayntii kulanka oo ahaa mid aad u qiimo badan ayaa waxa uu kusoo gabo gaboobay Jawi aad u wanaagsan.Fadlan la soco muqaal ku saabsan kulanka iyo sida uu u dhacay.
Salaanmedia/London
Category: Warka