Published:

samaale545

Waxaynu ogsoonahay xaalada maanta kulmiye oo maraysa halkii ugu saray

Waxa hankooga murashaxnimo cadaystay sadex murshax oo kala ah Axmed Cabdi Kijaandhe  C.casis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis

Hadaba Samaale oo aha kan ugu da’da yar hadana ugu samaynta badan waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa Samaale oo salaadii ciida la soo tukaday dadka ku  dhaqan magaalada Gabilay isa oo aan wax xil ah hayn ayaa waxa loo dhiibay cod baahiyaha (Microphone) iydoo ay  fadhiyeen afar wasiir oo xukuumada Siilanyo u soo dirtay taasi waxay cadaysay in Samaale ka muhiimsanyahay wasiiradan xilka haya intaa ka bacdii waxay xukuumadu soo dirtay madaxwaune ku xigeenkii qaranka Mudane C.raxmaan saylici kaa oo salaadii duhur kula tukaday.

Samaale waxa uu ku soo shaac baxay xibigii kulmiye markii uu mucaaridka ahaa kaas oo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud (Siilanyo) u qorsheeyay in uu noqdo gudoomiyaha baarlamaanka lakiin taasi waxa ka gaws adaygay xibigii UCID oo ay wakhtigaa is garabsanayeen Samaale isaga oo kuxigeen ah ayaa waxa uu hadan golihii ku yeeshay saamayn runtii xibigii kulmiye ku diirsaday filan waan ku noqtay .

Samaale oo maanta dibada ka jooga xukuumada ayaa hadana saamayn xoogan ku leh tartanka xijiinta badan ee Kulmiye

Samaale waa hogaamiye dadka qancin kara si sahalana fikirkiisa uga dhaadhcin kara .

C.casis Maxamed Samaale waa hogaamiye dalkan isku hayn kara horumarna gaadhsiin kara.

Allah Mahad leh

News Related