Published:

Israa’iil ayaa waxa ay ciidankeeda booliska siisay awood ay xadidaad ugu soo rogi karaan qeyba ka mid ah bariga magaalada Qudus, kaddib markii dhawaantan ay Falastiiniyiinta ka gaysteen halkaasi hir weerrara ah.

Waxaa la sheegay in mas’uuliyiinta ay burburin karaa guryaha Falastiiniyiinta weerrarka ku soo qaada Israa’iiliyiinta, sidoo kalana ay ka qaadi karaan xaqa ay u leeyihiin in ay ku noolaadaan magaalada Qudus.

Ra’iisul wasaare, Benjamin Netanyahu, ayaa Isagoo ka hadlayay baarlamanka Israa’iil, waxa uu sheegay in dowladiisa ay sameyn doonto waxkasta oo macquul ah oo ay ku soo celin karto kala dambeynta.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa waxa uu digniin culus ka soo saaray mowjadaha deganaansho la’aanta ah ee ka taagan Israa’iil iyo dhulka Falastiiniyiinta.

Saddex Israa’iiliyiin ah ayaa weerradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Qudus lagu dilay Talaadadii.

Kororka qalalaasaha ayaa yimid kaddib xiisado ka dhashay booqashada masjidul Aqsaa, Yuhuudana ay u yaqaanaan Temple Mount, xiisadahaasi oo todobaadya taagnaa.

Mr Kerry waxa uu sheegay in ay tahay in la joojiyo qalalaasaha.

News Related