Published:

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si adag u difaacay howlgalka militariga dalkiisa ay ka wadaan dalka Suuriya.

Waxa uu sheegay in ujeedada ay tahay xasillinta waxa uu ku tilmaamay maamulka sharciga ah ee dalkaasi iyo hagaajinta xaalad siyaasadeed oo tanaasul ah.

Wareysi uu siiyay TV-ga dowladda Ruushka, waxa uu ku sheegay in Ruushka hadduusan tageerin madaxweyne Bishar Al-Asad inay xaalad Qatar ah jirto, taas oo ah in wax uu ku tilmaamay argagixiso ay qabsadaan Suuriya oo dhan kaddibna u dhaqaaqaan dhulka Ruushka.

Mr Putin waxa uu beeniyay eedaha sheegaya in Ruushka uu duqeeyay saldhigyada mucaaradka qunyar socodka ah ee Suuriya, halkii uu Khilaafada Islaamka ka duqeyn lahaa.

Waxa uu dowladaha reer galbeedka ku baraarujiyay in ciidamadooda ka howlgala Suuriya ay Ruushka siiyaan wararka la xiriira meesha ay Daacish isku qarinayaan iyo meelaha ay hubka ku keydsadaan.

News Related