Mareykanka waxa uu sheegayaa in Ruushka uu aqbalay in dib loo billaabo wadahadallada lagu xaqiijinayo in xoogagga labada dal aysan isku dhicin xilliga ay sameynayaan ololaha duqeynta Suuriya.
Waaxda difaaca ee Mareykanka ee Pentagon ka war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in wadahadallada ay suuragal tahay in dhammaadka Isbuucan la qabto.
Hadalkan waxa uu imaanayaa iyadoo Mareykanka uu shaca ka qaaday joojinta weerarka ay ku hayaan kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee Suuriya.
Sababta joojintan ayaa lagu sheegay in ay tahay in dhaqaale ahaan istiraatiijiyadda dagaalka uu illaa iyo hadda guuldareystay.
Halkii laga tababari lahaa dagaalyahano cusub, waxa ay diiradda saarayaan ogaanshaha kooxaha dagaalka ku jira in loo xaqiijiyo inay riixaan oo dagaal adag ay la galaan Daacish, iyagana la siiyo hub iyo qalab kale.
Mareykanka iyo Ruushka waxa ay wada yeesheen Shir qadka fiidiyowga ay uga qeybgleen kowdii bishan October, laakiin saraakiisha Mareykanka waxa ay ka cabanayaan inaysan waxba ka maqlin xukuumadda Moscow tani iyo xilligaasi.