Published:

Djibouti(Haldoornews)-Maxamed Muuse Tuurtuur oo ah murashax u taagan tartanka madaxtinimada dalka Jabuuti ayaa sheegay in aanuu Ismaaciil Cumar Geelle sii wadi karin taladda dalka, isla markaana uu haatan yahay nin daalay, haddii uu soo noqdana aanuu ku soo laaban tiisa balse ay khasbayaan dano dad kale leeyihiin. Sidaana wuxuu Tuurtuur ku sheegay waraysi uu siiyay telefishanka caalamiga ah ee KalsanTV.

Ugu horayn wuxuu waraysigaa kaga hadlay xaaladda dadka reer Jabuuti, waxaanuu yidhi;Β  β€œNinka masuul siyaasadeed ahi wuxuu u adeegaa dadka soo doortay. Dhalinyarada reer Jabuuti 5% tahriib bay galeen.Β  Waa ubixii mustaqbalka dalka, iyagaan u shaqaynayaa. 85% dadka reer jabuuti waxna ma qoraan, waxna ma akhriyaan, waagii Xasan Guuleed uu taladda hayay 55% ayay dadka tabaalaysani ahaayeen, maanta madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle intan uu taladda hayo 76% ayay taagan tahay inta dhibaataysani. Hay,adan WFP la yidhaahdo markuu Xasan Guulleed joogay 12% ayay dadka quudin jirtay, madaxweyne Geelle intan uu joogana 40% bay gaadhay. 50% dadka reer Jabuuti koronto ma leh, labadii qofba qofbaa koronto leh. Dadka reer jabuuti waxa u hadhay kolkaa haday sidan u sii socoto, inay Mulac, siilaanyo iyo qorato cunaan, dhaqaale darrada, caafimaad la,aanta, iskuul la,aanta, markaa waxaan iswaydiiyay talo eebbaa hayee in aan mar kale ku tuuntuunsado umaddayda in aan u hawlgalo, ilaahayna waan ka rajaynayaa inuu igu garab galo.”

Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi;β€œNinka u qooqan hogaan qaran inuu qabto xaqiiqda inuu indhaha iska qabto maaha, dalka wax waa la qabtay, dariiqyo waa la sameeyay, dekedo waa la sameeyay, ganacsigu wuu furanyay, ee su,aashu waxa weeye wixii la qabtay dheeftii yaa ka faa,iidaystay, sacabkay ku dhacday. Dekeduhu waa wax jira, waa wax loo baahanyay, waanan ku hambalyaynayaa madaxweyne Ismaaciil waxa uu qabtay, laakiin dheeftii ka imanaysay ee dawladda gacanteeda soo galaysay xagay martay, ilama aha bulshawaynta Jabuuti inay ka faa,iidaystaan.”

Mar wax laga waydiiyay waxa uu qaban doono wuxuu sheegay in reer Jabuuti badhxameen oo dad badan si fudud looga dhigay reer Jabuuti, isla markaana uu taa meesha ka saari doono, waxaanuu yidhi;Β  β€œDadka reer Jabuuti waxaan u soo celinayaa kalsoonidii ay ku qabeen inay dad reer Jabuutiya yihiin. Dad fara badan ayaa si fudud u noqday reer Jabuuti, ma haboonna in magacyaddooda la sheego. Jabuuti waxa soo maray laba madaxweyne labaduba waxay ku dhasheen dibadda. Xasan Guulleed wuxuu ku dhashay Geerisa, Ismaaciilna wuxuu ku dhashay Ayshaca dhab ahaan, waraaqahana waxa ugu qoran Dirirdhaba, qofka waddaniga ah haddii hooyadii meel kale ku dhasho dembi maaha, balse waxa weeye halkii xundhurtaada lagu gooyay waxa ku abuuran dareen kale oo shakhsiyan ah iyo inaad ka lexejeclo badantay. Anigu Jabuutaan ku dhashay, madaxweyne Ismaaciil Cumar dareenkayga iyo waddaninamadaydu kolay way ka baaxad waynaan doontaa tiisa.”

β€œWaxa jira dad iyagoo la qalayo korontadii tagtay, oo mishiinkii la leeyahay bayteri kuma jiro oo ninkii darawalka ahaabaa qaatay oo gaadhigiisa saartay, markaa barnaamijkaygu waxa weeye baahidii bulshada in loo soo noqdo weeye. Kuma khasbanin in aan koronto ka soo qaadano Itoobiya, waa qaali, haddana wuu go,aa. Markaa waa in dib loogu noqdo oo loo hindiso dalkan tamartiisa.”

Mar wax laga waydiiyay cidduu la tartamayo iyo in Madaxweynaha talada hayaa is rashaxayo mar afraad iyo in kale wuxuu ku jawaabay; β€œAnigu wixii aan maqlo uun baan rumaystaa, dad leh muddane Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle mar afraad ku soo noqo waan maqlayaa, laakiin dadkani inay siloon yihiin inay is ilowsiinayaan ma garanayo, laakiin anigu xagayga waxaan qabaa madaxweyne Ismaaciil Cumar ma dhiganayo madaxtinimada. Waxaanuu u dhiganayn anigu ka yeedhsiin maayo ee dibnihiisuu ka soo saaray, waa oday soomaaliya oo reer Jabuutiya, oo wadaniya, oo nin diinniya oo weliba aad ugu dheer diinta, waa wallaahi waa billaahi maantaa iigu dambaysa, kuma soo noqonayuu yidhi, markaa dee rag baa qaba inay qasbaan, oo yidhaa xaggaanu ku hadhaynaa, ma tilmaami karo laakiin waxaan u malaynayaa badbaado dano dad kale leeyihiin uun buu ugu soo noqone waxaan filayaa isagu wuu ka daalay. Waxaanse u malaynayaa inuu ila tartami.”

Mar waxa la waydiiyay, in lagu tilmaamo in aanuu ahayn murashax dhab ah balse uu yahay jillaa qurxinaya masraxa doorashada si loo yidhaahdo tartan baa dhacay, maadaama ay ilmaadeer dhaw yihiin Ismaaciil Cumar, wuxuu ku jawaabay Tuurtuur; β€œDad badan baa sidaa dhaha. Waa run Ismaaciil ilmaadeer baanu nahay, laakiin waa siyaasad waxaanu ka hadlaynaa. Waa arrin qaran, Ismaaciil waa inuu ku tala galo in aan la dhiganayo, ta keliya ee iga reebaysaa waxa weeye hadduu odhanayo sidii Maxamed Siyaad Barre, qof kale ma jiro odayga mooyee, haddaanuu Ismaaciil odhanayn aniga maahee cid kale ma jirto, diyaar baan ahay.”

News Related