Published:

Dowlada Ruushka ayaa Arbacadii shalay shaacisay in Maraakiibteeda dagaalka ee ku sugan Badda Caspian ay gantaalada ridada dheer ee loo yaqaan (Cruise Missiles) ku duqeeyeen qeybo kamid ah dalka Siiriya. Gantaaladan ayaa sii maray hawada dalalka Iran iyo Ciraaq kahor intaysan gaarin Siiriya

Ruushka ayaa sheegay in duqeyntan cusub ay garab-socoto hawlgalo dhanka dhulka ah oo ay bilaabeen ciidamada dowlada Siiriya ee Bashar Assad.

Maraykanka ayaa cambaareeyey duqeyntan iyo gantaalada soo dulmaray hawada dalka Ciraaq oo ay ka hawlgalaan ciidamada Maraykanka, waxayna arrintaasi ku tilmaameen mid khaldan keeni karta shil iyo iskudhac.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka oo la hadlay warbaahinta Maraykanka ayaa sheegay in mid kamid ah 26 gantaal ee Ruushka kasoo tuuray Maraakiibtiisa uu halis geliyey mid kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ee Maraykanka leeyahay oo xiligaasi dul mareysay hawada dalka Siiriya.

Ruushka ayaa Isniintii ugu baaqay Maraykanka inay ka wada hadlaan duqeynta ay labada dal ka wadaan Siiriya si aan isku dhac u imaan, walow arrintaasi oo uu qaadacay Wasiirka Gaashaandhiga Ashton Carter oo shalay shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Rome oo uu safar ku joogo, wuxuuna sheegay in qorshaha Ruushka ee Siiriya uu yahay mid faashil ah

News Related