Published:

marayka

Xukuumada Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya, maadaama sida ay sheegtey amnigii wadanku sii xumaanayo, Mareykankuna aanu wali  safaaradiisii hawlgelin.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u sheegtay muwaadiniinteeda, haddii ay Soomaaliya u safraan ayna heli karin adeegii ay u baahnaayeen marka ay dhibaato la kulmaan, maadaama aanay jirin safaarad uu Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya oo si rasmi ah u shaqeeysa.

Digniintan ayaa lagu sheegay in weli xaaladda amniga Soomaaliya aaney ahayn mid xasillan maadama ay  weerarro is dagajoog ah soo qaadayaan ururrada argagixisada, ayna damacsan yihiin in ay afduubaan ama ay dilaan dadka ajnabiga ah ee taga Soomaaliya, taasoo lagu tilmaamey inay halis toos ah ku tahay muwaadiniinta Mareykanka.

Dhanka kale, waaxda Arrimaha Dibadda Marekanka ayaa ku boorisay maraakiibta caalamiga ah in ayney u safrin biyaha Soomaaliya, iyadoo aanay la socon maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ee jooga biyaha Soomaaliya si ay uga hor-tagaan halista burcad badeedda.

Mareykanka ayaa sidoo kale sanadkii hore ee 2014-kii digniin tan la mid ah ka soo saaray amniga dalka Soomaaliya, ugana digay muwaadiniintiisa in ay u safraan Soomaaliya.

News Related