Published:

 

Guddoomiyihii hore ee Urur Siyaasadeedka NDB ee ku fashilmey tartankii Doorashooyinkii Golayaaasha Degaanka Somaliland, Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa dhawaan magaalada Muqdishu, Xarunta Wadanka dhibaatadu ragaadisey ee Soomaaliya kaga dhawaaqdey Xisbi Sayaasadeed magacii hore oo kale wata oo ay u bixisey NDP.
fowsiyo-xaaji-aadanMarwo Fawsiya waxa lagu xasuusta fashiilkii foosha xuma ee ku dhacey markii ay aheyd Wasiirada Arrimaha Debada Soomaaliya, ahna Ra’isulwasaare ku-Xigeen. Waxaana Xilkaa laga xayuubiyey iyadoo caab iyo eedeymo musuqmaasuq xambaarsan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaanu shacabka Soomaaliya ee dhibaata iyo maamul xumadu daashatey kula talinaynaa in ay aad uga fiirsadaan dadka caloosha u shaqeysatada ah ee uu soo shaqa tegey iyagoo deegaanadii ay u dhasheen aan wax xushmad iyo qadarin ah looga heyn.
Halkan ka fiirso labadan muqaal ee kala ah markii ay Fawsiya ku jirtey tartankii Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Somaliland, bishii 2-aad sanadkii 2012

Iyo kan ku saabsan ku dhawaaqidii Xisbi Sayaasadeedka Cusub ee Muqdhishu ay dhawaan ku daah-furtey.

 

Contact@haldoornews.com

News Related