Published:

Abaarso Tech University (4)Hargeysa(Haldoornews)-Shirkadda tamarta Enersom iyo Jaamacadda Abaarso Tech University ayaa soo bandhigay cilmi-baadhis ku saabsan adeegyadda shirkaddu isbaddelka dhaqan-dhaqaale ee ay bulshadda u geysan karto, iyadoo ay kala qayb-qaateen khubaro faransiis ah oo ka socday jaamacaddaha HEC Paris iyo ESSEC.  Munsaasibaddan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay, ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Qorshaynta Somaliland Mud. Sacad Cali Shire, Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise, Mareeyaha Guud ee Enersom Mr. Cabdishakuur Maxamuud Axmed, Madaxda Hay’adda Shuraako Mud. Cabdikariim Jirde Goole iyo Mr. Lee Sorenson.

Ugu horrayn, waxa halkaasi ka hadlay Maaraayeha Guud ahna aasaasaha Enersom Mr. Cabdishakuur Maxamuud Axmed oo mahadnaq ah u jeediyay Jaamacadda Abaarso Tech, oo uu sheegay si weyn uga qayb-qaateen daarasaddan.

Maareeyahu wuxuu  ka sheekeeyay ujeedadda loo aasaasay shirkadda iyo adeegyadda ay bulshadda u hayso oo ay ugu horrayso agabka ku shaqeeya tamarta cadceedda. Waxaanu xusay Mr. Cabdishakuur inay yoolkoodu yahay sidii bulshadda Somaliland u heli lahayd tamar nadiif ah oo jaban, maaddaama oo dalkeenu yahay meelaha adduunka ugu laydhka qaalisan. Wuxuu sharaxaad ka bixiyay maareeyahu sida ay adeegyadda ay bulshadda u gaadhsiiyaan, kuwaas oo ay ugu horrayso dadka ku nool miyiga, kuwaas oo aan fursad intooda baddani u haysan inay helaan koronto. Mr. Cadishakuur oo ka warbixinaya wuxuu yidhi: “Sida ka soo baxday daraasaddan, waxa macaamiisha shirkadda ku xidhan ay u madhxay $12.5 bishiiba…waxa sidoo kale noo farxad ah, in waxbarashadda ardaydda yayar ay kobcisay oo halkii ay 55 daqiiqo habeenkii wax ka akhrisan jireen, maanta ay ka akhrisan karaan 2 saacadood.”

Waxaa sidoo kale isna ka hadlay halkaasi Gudoomiyaha Jaamacada Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ugu horayn u mahadnaqay shirkada Enersom iyo adeegyada ay bulshada u gudbiso.

Waxaana uu sheegay in daraasadan maanta la soo bandhigayaa aanay ahayn tii ugu horaysay ee ay shirkada Enersom soo wada bandhigaan, horena ay u wada sameeyeen daraasad ku saabsan heerka isticmaalka tamarta ee Somaliland. Waxaanu xusay inay Jaamacad ahaan aad u danaynayaan dhinaca tamarta, maaddaama oo ay Somaliland tahay meelaha ugu qaalisan dhinaca laydhka markay ay noqoto, sidii bulshadda loogu heli ilo tamareed oo jaban, oo lagaga maarmi karo dhaqaalaha aad u badan ee lagu bixiyo, isla markaana haddii la helo ay keeni karto horumar dhaqaale iyo bulsho oo hor leh. Intaa wuxuu ku daray Guddoomiyahu inay haatan waddaan mashruuc dhinaca tamarta bio-gas ka ah, ka dib markii ay muddo badan ku jireen cilmibaadhista iyo tijaabooyinkiisa, taasina ay waxweyn u taridoonto dadkeena xoolo-dhaqatadda u badan. Dr. Axmed wuxuu mahadnaq sidoo kale u jeediyay khubaradda Faransiis ah ee ka qaybqaatay samaynta daraasaddan, waxaanu bogaadin u jeediyay Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad oo u ku tilmaamay mid had iyo jeer hawlaha sidan oo kale, gaar ahaan cilmibaadhisaha ay sameeyaan ee bulshadeena faa’iidadda u leh.

Mr. Lee Sorenson oo ah madaxa hay’adda Shuraako oo isna halkaasi ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u jeediyay Shirkadda Enersom, Jaamacadda Abaarso Tech iyo khubaradda faransiiska ah ee daraasaddan soo bandhigay, isagoo sheegay inay ka hay’ad ahaan danaynayaan dhinaca tamarta, wada-shaqayna ay ka dhexayso Jaamacadda Abaarso Tech. Waxaanu intaas ku daray in sannadka 2016 ay qabandoonaan shirweyne la xidhiidha dhinaca tamarta, taas oo ka soo qaybgali doonaan guud ahaan inta ku shuqul leh hawlahan. Waxaanu ku dhiirigaliyay Jaamacadda Abaarso Tech iyo Enersom inay sii joogteeyaan hawlaha noocan oo kale ah, oo ay ku sheegay inay wax badan ka tari doonaan baahiyaha dhinac kasta leh ee bulshadda haysta.

Ugu danbayntii, waxa munsaasibadda soo gunaanaday Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo sheegay in daraasadan ay Enersom iyo Abaarso Tech soo wada bandhigeen. Dr. Sacad ayaa ka warbixiyay ka qaran ahaan sida ay uga go’an tahay tahay sidii loo heli lahaa tamar ku filan bulshoweynta Somaliland, taas qorshe ahaan wax uga meel yaalaan iyadoo ay arrintaasna ay ku hawlahan tahay Wasaaradda Tamartu. Waxaana uu ku amaanay Enersom iyo Abaarso Tech cilmibaadhistan ay ku sameeyeen  ee sidoo looga faa’idaysan lahaa iftiinka tamarta cadcadeeda oo ay bulshada u baahan yahay.

Waxaa halkaas lagu soo bandhigay qalabka tamarta cadceeda ku shaqeeya ay ku sharaxeen hawlawadeenadda ka socday shirkadda Enersom, waxaanay sidoo kale halkaa kaga jawaabeen su’aalo ka soo qaybgalayaashu ay weydiiyeen.
ENERSOM ATU Enersom and Abaarso Tech Enersom Abaarso Tech University Enersom & ATU Abaarso Tech University Enersom & Abaarso Tech University Enersom & Abaarso Tech University (2) Abdishakur Mohamoud ENERSOM ATU & ENERSOM Dr. Ahmed Hussein ATU Abaarso Tech (2) Dr. Ahmed Hussein ATU Abaarso Tech Abaarso Tech University Abaarso Tech University and Enersom Abaarso Tech University and ENERSOM (3) Abaarso Tech University and Enersom (2) Abaarso Tech University (8) Abaarso Tech University (9) Abaarso Tech University 1 Abaarso Tech University 44 Abaarso Tech University (7) Abaarso Tech University (6) Abaarso Tech University (5) Abaarso Tech University (4) Abaarso Tech University & Enersom 2 Abaarso Tech University & Enersom Abaarso Tech University (2) Abaarso Tech University (3) Abaarso Tech University & Enersom (2)Abaarso Tech University (4)

 

 

 

 

 

 

News Related