Published:

Muqdisho(Haldoornews)-Kooxo hubeysan ayaa saakay degmada Wadajir ku toogtay wiil u adeer u yahay madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, kaasoo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusmaan Cilmi iyo wiil kale oo la socday.

Liibaan ayaa ahaa dhakhtar ka hawlgala mid ka mid ah isbitaalada Imaaraadku leeyihiin ee Muqdisho ku yaalla, iyadoo aabbihii oo ay isku hooyo yihiin Xasan Sheekh uu dhawaan ku dhintay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dhakhtarka iyo wiil kale oo la socday oo gaari wata lagu dhex-toogtay gaarigooda, kaddib markii dableyda dishay ay ku hor-gooyeen gaari kale oo ay wateen, kaddibna ay rasaas culus ku fureen.

“Dabley watay gaari ayaa ku hor-jaray gaarigii ay dhakhtarta iyo wiilka kale wateen gaari kale oo ay wateen, kaddibna waxay ku fureen, goobta ayayna ku geeriyoodeen,” ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaal la hadlay warbaahinta. Waxayna intaas ku dareen in kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.

Illaa hadda lama oga sababta loo dilay Dr. Liibaan iyo wiilkii la socday oo la sheegay inuu dhawaan ka yimid Suudaan oo uu waxbarsaho jaamacadeed u jiray, iyadoo aanay weli jirin cid sheegatay mas’uuliyadda dilkooda.

Haya’daha amniga dowladda federaalka Somalia ayaan weli ka hadlin iyaguna dilka labada qof ee mid ka mid ah uu adeer u ahaa madaxweynaha Somalia ka hadlin, waxaana dilkaan uu ka mid noqonayaa dilal dhowr ah oo sannadkan ka dhacay degmada Wadajir.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo kooxo hubeysan ay degmada Wadajir ku dilaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah, iyadoo horay loogu dilay degmadaas suxufiyiin, shaqaale dowladeed iyo shaca fara badan.

 

News Related