Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, hoggaanka xisbiga, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, laamaha dibadda iyo dhammaanba taageerayaasha xisbiga Waddani ee kala jooga dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Salaadiinta, Cuqaasha, Wax-garadka, Aqoonyahanka, Qurba-joogta, Ganacsatada iyo dhammaanba bulshada Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Cabdi Kaariye Jibriil oo maanta ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaalada Abu-Dubey ee dalka Imaaraadka Carabta.
Mudane Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi Alle ka cabsi badan oo u samafala dadka danyarta ah, sida oo kalena uu ahaa qof caan ku ah ka shaqeynta danta guud iyo horumarinta Somaliland.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu ugu dambeyntii uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, qurba-joogtii iyo guud ahaanba umadda Somaliland-na ee uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.
Innaa-Lillaahi wa-innaa Illeyhi raajicuun.
Guddoomiiyaha xisbiga WADDANI.
Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).
Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI.