Brussels(Haldoornews)-Hogaamiyayaasha dalalka Midowga Yurub oo xalay kulan deg deg ah ku yeeshay magaalda Brussels ayaa ku heshiiyey inay ka wada shaqeeyaan si wadajir ah xaalada qaxootiga dalka Siiriya.
Madaxda sare ee Midowga Yurub ayaa shirkoodii xalay ku ansixiyey qorshihii Salaasadii ay Wasiirada dalalkaasi ansixiyeen oo sheegaya in wadamada xubnaha ka ah EU-da si siman loogu qeybin doono qaxootiga gaadhaya 120.000, si culeyska looga qaado dalalka Itaaliya iyo Giriiga.
Waxay hogaamiyayasha sidoo kale ku heshiiyeen in lacag gaadheya 1 Bilyan Euro loogu deeqo Qaxootiga dalka Siiriya, lacagtaasi oo lagu wareejin doono hay’ada qaxootiga dunnida ee UNHCR.
Qodobada shirkan looga hadlay ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa sidii dalalka Jaarka la ah Siiriya looga caawin lahaa qaabilaada qaxootiga iyo sidii loo adkeyn lahaa xaduudaha dalalka Midowga Yurub.
Haldoornews.com
contact@haldoornews.com