Published:

“Hadday dunida ceeb tahay

Dus-duskiyo khiyaamadu,

Noo dabeecad weeyaan.

Nin dillaala mooyee,

Degmadaan ku noolahay

Nin “daryeel” yidhaahdaa,

Dulli buu ka qoran yahay.

Hebel laga ducaystiyo

Mana laha nin dooroo

Dayaxii u soo baxa,

Daamur baa la mariyaa.

Mooralkaana laga dilay

Danabyadii u kici laa,

Markii geela loo diray

Ninkii maqasha daayacay„

Maanasadii daba Taxan ee Alle Ha unaxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac  (Gaariye)

Waa Qaybtii labaad ee Maqaalkiinee ahaa Madaxwayne Siilaanyo Hogaamiye Lagu Hungoobay?. Qalinkii: Mustafe Future

 

Waayo Aragnimadu Waa Khibrad Shaqsigu kaga Faa,iidaysto Dhacdooyinka soo maray iyo Dhibaatooyinka uu usoo joogay, kuwaasi oo Mudan in Qofku ka Faa,iidaysto Qaladaadkii u Muuqday Markii uu Kursiga Dibada ka joogay.

Axmed Siilaanyo Intii uu Hogaanka Talada Dalka Hayay Waxay Ciidanka Boolisku Toogasho ku dileen Shacab Tiro badan oo aan waxba galabsan oo isugu jira Caruur, dhalinyarro iyo haween  Mudaharaado Salmi ah ka qayb qaatay, waxaa iyana Jiray Saraakiil Shirqoollo Qorshaysan lagu Dilay oo isa soo tarayay isla markaana aan qaarkood illaa hadda la qaban Gacan ku dhiiglayaashii Fuliyay, waxaa Fududaaday Dilka Shacabka oo Si macno darro ah loo daadinayo dhiigooda iyo Xadhiga Joogtada u noqday Muwaadin kasta oo Fikirkiisa ku Cabira  Xaalada wadanka ka jirta, sida Abwaanada, Fanaaniinta, Salaadiinta, Siyaasiyiinta , Suxufiyiinta iyo qaar kale oo badan isla markaan aanu Hogaankii Dalka marna ka hadal Arimaha Dhabta ah ee ka jira Dalka.

Dhacdooyinka Xanuunka Badan ee aan la Ilaawi Karin waxaa ka mid ah Dilkii Wiilka yar ee 12 jirka ah ee lagu dilay Xaafada jigjiga yar ee Magaalada Hargeisa, Dilkii Saldhiga ibraahin kood Buur loogu gaystay Maxbuus 17 jir ah oo Xabsiga ku jiray, Caruurtii lagu laayahay Xaafada Axmed Dhagax Wakhtigii Doorashooyinka, Haweenaydii lagu Dilay Mudaraadkii burco, Dilkii Fooqa Jajabka loogu Gaystay Ardaygii uu dhalay Duqii guriga laga qaaday, Dilkii Maxbuuskii Maxkamada Gabiley Horteeda lagu Dilay iyo Dhacdooyin kale oo ahaa isku day Dil oo lagula kacay Qaar ka mid ah Wargeysyada Somaliland oo Qaarkood Hantidoodii Gaarka ahayd lala wareegay iyo Shacabka oo Habeenkii Guryaha loogu daato isla markaana Xabbad loo Adeegsado Caruur iyo Haween Guryohooda si nabad ah u hurda, Dhacdooyinkaasi oo dhiilo iyo dhag xummo ku ah inta Hogaanka Dalka haysa ayaa waxaa Gabayo, maansooyin iyo Heeso ku Cambaareeyay Abwaanno iyo Fanaaniin Tiro badan sidii Wakhtigii Deelaydu ku Socotay Maxamed Siyaad Barre, Abwaanadaasi oo intooda Badan lagu Xidho Dhacdooyinka ay ka dhiidhiyaan ee ay Suugaantooda ku Cabiraan.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa Noqday Maxbuus Cid Gaar ahi haysato isla markaana aan Hortagi karin Warbaahinta Madaxa Banaan Si, Su,aalo looga Waydiiyo Dhacdooyinka Foosha xun ee Wadanka ka dhacay mudaddii uu Xilka hayay, Waxaana Si Toos ah isku Hortaaga Kooxda ku Xeeran ee Habeenkii ku Maaweelisa “Dalkeena Nimcaa Fadhida„  Waxay Doonaana u gaysanaya Shacabka Somaliland, Madaxwaynuhu marka uu Hadlayo waxa uu akhriyaa Warqad Dhawr Xaashiyood ah oo laga Soo Buuxiyay Haddalo Xajiin ubadan oo mucaaridka lagu Durayo,  iyo Guulo aan shacabku la qabin oo ay sheegtaan inay soo hooyeen intii ay talada Dalka hayeen, Waxaan la ilaawi karin Habeen saqdhexe Odaygu soo Kacay oo uu isku Dayay inuu faysal Cali Waraabe ujawaabo ee ay Afkiisa ka Soo Baxeen Ereyadii  ay ka midka ahaayeen“Uf.. uf baa lagu yidhi”  iyo hadalo kale oo la mid ah kuwa hablaha yaryari iskugu tiriyaan marka ay isku xanaaqaan.

Tan iyo intii ay dhamaatay Muddo Xilleedkii Xalaasha ahaa ee la Doortay Madaxwaynaha ee Shanta Sanno ahayd Waxay Xukuumadiisu Bilawday Boob Badheedh ah oo lagula Kaco Hantida Dadwaynaha sida Haamaha Shidaalka oo aan Xataa la Tixgalin Dhawaqii Shacabka, Golihii Wakiilada ee laalay iyo Salaadiintii ka hadashay oo Xabsiyada lagu Guray Sidoo kale intii ay Xilka haysay Xukuumada Kulmiye waxaa la iibiyay Hantidii Dadwaynaha ee ugu Faraha Badnayd ha ubadnaadaan Dhulka iyo Guryaha Dawlada, Warshadaha laydhka  iyo Goobaha Wax Akhriska oo Xataa ay isku dayda inay iyana iibiso tusaale ahaan sida (Gandi Liberery) oo Shacabku ka Mudaharaadeen.

Waxay ku Xasuusinaysaa Dhacdooyinka noocan oo kale ah ee Caadada u noqotay Hogaanka Dalka Maansadii Abwaan Hadraawi uu ku lahaa

“Ma bishii la dhuuntee

Sida eeri dhabankii

Dhabbadiyo jidaashiyo

Lagu jiitay dhoofkee

Dalka laga dhuyaalaa

Ma bishii dhanqalankiyo

Dhawa-welanka hooggiyo

Xabbad dheelli socotiyo

Qabri laysku dhacanshiyo

Xabsi lagu dhabriiriyo

Dhaca iyo colaaddiyo

Dhagartiyo shirqoolkiyo

Dhimashada jideysa

Ninka dhacanta jiitow

Dharka ceebta qariyaa

Hadal iyo dheh maahee

Dhaqan suubban weeyaan

Dhimashadu xabaashiyo

Kafan laba dhudoodiyo

Rubaddoo ku dhaaftiyo

Iil dhexdiisa maahee

Dhilashada jidhkaagiyo

Sharafkoo dhantaalmiyo

Dheg xumaanta weeyaan”

mustafe-300x300

Isku soo wada Duuboo Dhacdooyinka iyo Sooyaalka Taariikheed ee soo Taxnaa intuu Hogaamiyaha ahaa Madaxwayne Siilaanyo waxay ahaayeen kuwo uu habaar kaga dhacay Dhamaystirka Hadafkiisa siyaasadeed, waxaanu  Gacantiisa ku Masaxay Hiigsigiisii iyo Hadaladii uu ku Hadaaqi jiray markii uu u heelanaa Hogaanka Dalka,  waxaanay Tusaale cad utahay Fashilaad siyaasadeed oo ku timi Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo oo khaatumadeedii lumisay Kalsoonidii Shacabka.

Waxaan kaga Baxayaa Qormadeena maanta  Maansadii Daba-taxan ee alle ha unaxariistee Abwaan  Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”

Daarihii burburay shalay,

Waxa maanta kaga daran,

Iimaan-darraantiyo,

Nabaad-guurka Diintiyo,

Kaga dhacay damiirkoo,

Dal waxaan ku noolahay,

Saddexdii dalaaqood,

Lagu furay dadnimadii,

 

La Soco Qormada 3-aad

Qalinkii: Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)

mccfuture@hotmail.com

 

 

News Related