Published:

Burco(Haldoornews)-Shalay Ayay Ahaydii Markii Xildhibaan Abdilaki Uu Soo bandhigay musuq-Maasuqa Baahsan Ee Dul Hoganaaya Maayirka Iyo maayir ku xigeenka Gobolka Togdheer Oo Boob Iyo dhac balaadhan Uu Gaystay hantida Shacabka .

Isagoo shacabka Uu Soo bandhigay Cadaymo wax Ku Ool Ah Oo Ay Maayirka Iyo Ku xigeenkiisu Ku Lunsadeen Hanti badan , waxayna Taasi Keentay In Maanta Qaar ka Mid Ah Shaqaalaha Uu Qortay Maayir Muraad Ay Xildhibaanka Ka Faafiyaan Warqado Been Abuur Ah Oo Ay Soo Fajari Garaysteen.

Waxaan Warkaa Beeniyay Xildhibaan Abdilaki Mar Uu Saxaafda Kula Hadlaayay Magallada Burco Waxaanu Xildhibaanku Qiray In Aanu Ahayn Dadk Meesha Uu Soo Doontay In Ay Boobaan Hantida Umada, Waxaanu Tibaaxay Inu Bulshada Gobolka Togdheer Ay Og Tahay Cida Mar Walba Laaluushka Qaadata Iyo Cida Kale Waxaanu Xildhibaanku Cadeeyay In Aanu Waligii Wax Laalush Ah Waydiisan Golaha , Waligiina Waydiisan Doonin.

Isagoo Arimaahsi Ka Hadlaayana Waxa Uu Yidhi”Anigu Ma Ihi Nin Laalush Qaata Mana Ahi Nin Uu Yimi Meesha In Uu Lacag Ka Uruursado , Bulshada Gobolka Togdheeran Way Iga War Haysaa In Aan Ahay Nin Aan Laalush Iyo wax La Midaba Qaadan , Waligay Laalusha Kama Qaadan Golaha Iyo Fulintiisab Waligayna Kama Qaadan doono, Kuwa Laalusha Qaata waa Kuwa Mar walba Ka Daba Hadla Xildhibaanad Runta Sheegaya Waa Kuwa Mar walba Doonaya In Ay Qariyaan Boobka Maayir Ina Muraad” Ayuu Yidhi Xildhibaanku

Waxayna Tani ku Tusinaysaa In Maayirku Uu Ka Gubtay Runta Uu Soo bandhigay Xildhibaan Abdilaki Isagoo Kuwaas Uu Soo Dirsaday Maayirkuna Xildhibaanka Si Ay Dacaayado Iyo Baron Bagaado uga Faafiyaan ,Iyagoo Doonaaya In Ay Buste Ku Dadaan Dhac Iyo Boobka Uu Hadhka Cad Samaynaayo Maayir Ina Muraad Kuganala Kacaayo Hantida Shacabka Gobolka Togdheer. Waxaanu Xildhibaanku Sheegay In Ayna Arintaasi Waxba Ka Jirin Isla Markaan La doonaayo In Sharaftiisa Iyo Ka Umadda Soo Dooratayba Lagu dhaawaco

Waxaanu yidhi Xildhibaanku”Arintaas La sheegaayo In Aan Lacag Ka Doontay Maayirka Oo Aan Ku Idhi Xoolaha Shacabka Iiga Sii Lacag Waa Arin Aan Waxba Ka jirin Waa Arin La Doonaayo In Sharafta Iyo Ka umadda Isoo Dooratayba La Doonaayo In Lagu Dhaawaco”

Dhanka Kale Waxa Uu Xildhibaanku Ka Hadlay Xildhibaano Tiro Badan Oo Maalmihii Uu Danbeeyay Isas Dhoobayay Warbaahinta Si Ay Uu Asturaan Musuq-Maasuqa Uu Ku Kacay Maayirku , Waxaanu Xildhibaanku Sheegay In Maayir Uu Muddo Labo Cisho Ah Ku Jiray Abaabulka Xildhibaanadaas Isagoo Qadar Lacag dhan 165 Milyan Ugu Soo Saaray Baanka Uguna Qaybiyay Si Ay Asturaan Ugana Hadlaan Musuq Maasuqa Uu Ku kacay Ina Muraad..

Waxaanu Xildhibaanku yidhi” Waxaa Nasiib Darro Ah In Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanad Lagu Laalusho Lacagtii Shacabka Si Ay Eedaymaha Uga Leexiyaan Maayirka ,Isoo Maayirku Baanka Ugu Saaray Qadar Lacagteedu Dhan Yahay 165 Milyan Xildhibanadaas . Waan Ayaan darro Uu Soo Hoyatay Qaranka JMS Gaar Ahaan Golah Deegaanka Degamada Burco”

Waxaanu Xildhibaanku Sheegay In Uu Maayirku doonaayo Bogo Bogaadhadan In Uu Ku Qariyo Musu Maasuqa Baahsan Ee Dul Hoganaaya Fulinta Golaha Deegaanka degmada Burco.

Waxaanu Xildhibaanku yidhi Isagoo Arimahaa Ka Hadlaaya”Maayirku Wuxu Warqadan beenta Ah Iga Qoray Si Uu U Dado Arinta Musuq Maasuq Ah Ee Aan Bulshada Uu Soo Bandhigay , Waana Mid Uu Doonaayo In Uu Shacabka Ku Majara Habaabiyo ,Kana Qariyo Xogtaa Aan Uu Soo bandhigay shacabka ”

Waxaanu Xildhibaanku Sheegay In Maayirka Sida uga Dhakhso badan Ay Ka Qaadidonaan Xilka Isagoo Sheegay In Ay Xli Ka Qaadistana Ay Uu Maaridoonaan Waddo Sharci Ah.

 

 

Haldoornews.com

Burco office

contact@haldoornews.com

News Related