Published:

Waxaan garowsaday in aan halkan idinla wadaago aragtida wax ka dhaadhicinta iyo dareensiinta qofka aad ka aragti-dheer tahay ama kaa aragti-dheer xaga fahanka waxa jira iyo cabirka waxa inagu soo fool leh,

Sidoo kalena, waxay qiyaasta guud ee fikirka qofka ayaa horseed u ah, inuu wax ka dareemi karo dhamaan gayiga ku xeeran, islamarkaana uu cabbirkiisaasi dhaxalsiiyo dhinaca aragtida, maqalka, dareenka, iyo xogogaal u noqoshada wararka soo gaadhaya kaydka xog ururineed ee maskaxdiisa, Haddaba qiyaasta guud, inkastoo haddana ay jiraan erayo ad-adag oo macnahoodu yara kakan yahay kuwaasoo u baahda aragti iyo sharax cilmi aqooneed oo u kala soocda garashada, fahanka iyo xaqiiqda dhabta ah ee ugaga dhex-iftiimay,

Haddaba, wax-ka barashada maantu waxay ina tusinaysaa inaynu ka dhaxalno barashada iyo fahamka in qabiilkasta oo ka mid ah Somaliland ay leeyihiin habka-Nolosha iyo dhaqanka dabeecadaha nooc ka mid ah noolayaasha illi-maqabatiga ah ee loo yaqaano dulinka, kaasoo lagu tilmaamo inuu yahay dulin ku dul-nool noole kale kaasoo afka-qalaad loogu yeedho (Host ama Parasite), sidoo kalena, waxa lagu sifeeyaa inuu faa’iido farabaddan u leeyahay bulshadda dhex-deeda iyo xidhiidhinteedaba, isla-markaana uu yahay wax -aan laga maarmi Karin, waxa kale oo iyana taasi bar-bar socota Wer-werka iyo Walaac ay ku keento Aadamaha ay ku dhex-nooshay.

Taasina waxay sababtaa inay tahay habka ama dariiqada jidhku kaga jawaabo wax kasta oo uu baahi qabo, ka dibna, waayo-aragnmadaasi sababi karto wanaag ama xumaan, marka ay dadku dareemaan waxayaabaha ka soconaya hareeraha xayndaabka ay ku xeeran yihiin, wuxuunu jidhkoodu ku siidaayaa dhiiga kimikalkals (Chemicals), kuwaas oo ay dadku ka helaan Xoog iyo Tamar, waxaanay noqon kartaa mid wanaagsan waa haddii uu sababo muuqaal-khatar ah, laakiin haddii uu noqdo ka xun, waxa lagu tilmaamaa inuu yahay ka ugu Xoogga iyo Tamarta baddan ee sababa jawaabaha dareenka leh.

Inkastoo aanay ka fogayn marka qofka uu ku yimaado warar uu ka wer-werayo shaqadiisa iyo qoyskiisa, wax-yaabaha ku keeni kara qaab-dhismeedka qofka inay ku timaado cabsiyaha khatarta baddan ee kiciya dareenkiisa, haddana waxa loo kala saaraa Afar nooc kuwaasoo kala ah sidan: –

  1. Wer-werka iyo Walaaca Xaaladaha Adag (Survival Stress) kaasoo qof ku xal u arko inuu

Dhoofo ama uu Dagaalamo.

  1. Wer-werka iyo Walaaca Nafeed (Internal- Stress), waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay soo

wer-werka nafteed ee aanad waxba ka qaban Karin.

  1. Wer-werka iyo walaaca Deegaankaaga (Environmental Stress), kaasoo ah mid ka yimaada

Buuqa, Cidhiidhiga ama dhinaca shaqada oo culays kaaga yimaado ama qoyskaagaba.

  1. iyo ta ay keento shaqada adag ee la yidhaahdo (Fatigue and over work).

 

Guntii iyo Gebagabadii waxaan ku soo gunnaanadi lahaa, si xal loogu hello arrimaha aynu kor ku soo sheegnay, maadaama dalkeenu aanu lahayn goobaha gaarka ah ee Rayi iyo Fikir-dhiibashadda lagaga hadlo, sida, (High pad) kaasi oo ah goobaha –fagaaraha dadku sida xorta ah ugaga hadlaan iyagoo soo bandhigaya dareenkooda, shucuurtooda, Aaraadooda iyo Fikirkooda, ay wax-weyn ka tari lahayd mushkiladaha iyo duruufaha inagu gadaaman ee hadheeyey kumanaan Rajada iyo Idiidiiladu ka xumaatay oo wax-tabanaya iyo kumanaan kale oo suggan dalka Somaliland.

 

Qoraa Maxamed Faarax Qotiqoti

News Related