Published:

Dilalka soo noqnoqda ee ka dhacaya magaaloyinka Somaliland ee iskugu jira dilalka dadka rayidka ah iyo ta saraakiisha cidamada ayaa noqotay mid si wayn loo hadal hayo waxayna dilalkaasi dhaawacday sumacadi iyo karamadii ay somaliland lahayd. Waxaa qof waliba ogyahay ama la socdaa in dhaqan xun iyo ficilo aan hore u jiri jirin ay ka dhaceen, ficiladaas oo ah in si badheedh ah qof loo khaarajiyo waliba si bilaa sabab ah oo aad moodo in la caadaystay. Haddaynu nahay dad islaam ah waxaa illahay inoo soo dajiyay KITAAB qur’aan ah oo inooga yimid samada oo rabi (SWT) inoogu timaamay wax kasta oo san iyo wax kasto oo xun in ay raacnaana waa inagu khasab. Kitaabku waa tuso iyo tilmaame munasal ah oo la inoogu soo dhiibay nabigeenii suubaana ee maxamed (SCW) in la isku xukumaa waxay keentaa barako iyo nimcooyin aan lasoo koobi karayn haddii la xoorana ama la diidana waxay keentaa ciqaab alle. Illahay qur’aankiisa wuxuu inoogu sheegay nafta mutaysatay in la dilo iyo kuwa aan la banayan in la dilo, nafta muslimka ah waa xaaraan in dhiigiisa dhulka lagu daadiyo. wuxuu illahay yidhi β€œHa Dilina Naf Uu Illahay Xaraantimeeya Dilkeeda Xaq Mooyaane”
Islaamka Dhexdiisa Nafaha La Xarimay In La Dilo Waa Afar:-
1. Waxaa ugu horeeyay NAFSUL MUMIN waa ruux alle iyo rasuulkiisaba rumeeyay in la dilaa waa xaaraan.
2. Waxaa ku xiga AL-MUSTAMIN waa gaalkii maganta ahaa in la dilaa waa muxaram.
3. Waxaa ku xiga AL-MUCAAHAD waa gaal heshiis iyo balan lala galay ee bixinayay cashuurta in la dilaa kaana waa muxaram
4. Ka ugu dabeeyaana waa gaalkii AHLU KITAABKA ah ee ku hoos noolaa xukunka islaamka kaana lama dilayo. Afartaa ayaa la xarima in la dilo waana arin sharci ah oo u baahan in hoos loo eego lana dabaqo.
Haddaba waxaad ka warantaa qofka muuminka ah ee dilaya qof muslim ah oo alle iyo rasuulkiisa rumeeyay xukunkiisa muxuu noqonayaa diinteen islaamka dhexdeeda. Waxaa illahay quraanka inoogu sheegay in qofkii qofkii dilaa loo qisaaso β€œin qofka-qof kale il,dhag, san wixii la mid ah in looga jarayo oo loo qisasayo iyadoon lagu xad gudbeen qofkii falka sameeyay”. Waxaynu ognahay in Somaliland shacabkeedu ay islaam yhiin 100% laakiin dalka aan lagu xukumi sharciga iyo kitaabka rabi inoo soo dajiyay waxaaa ku dhaca aafooyn iyo balaayooyin hoose. waxaa maxkamadaheena lagu xukumaa xukun ay inoo soo waarideen dalalka gaalada ah oo ay yidhaahdeen isku xukuma β€œBible” taas oo kasoo horjeeda diinteena iyo dhaqankeena. Sidaynu u noqon karnaa umad hesha cadaalad iyo sinaaan wada gaadha shacabka? Waxaa lagu heli karaa marka aynu si toos ah u fulino xukunka alle oo aynu isku xukuno markaa ayaa la helayaa barwaaqo iyo badheedho, haddi taa la waayo waxaa la dhaxli cadho alle iyo ciqaab xun oo sida hadda muuqata aynu arkayno ifafaalaheeda oo ah abaaro iyo sixir barar. Qisaasta ama fulinta xukunka alle waxaa kasoo horjeeda dalalka gaalada ah oo sida aynu la socono markii dhawaan ay Somaliland xukumadeedu ay fulisay xukun sharci ah oo ay ku fulisay 6 ruux oo ay ku cadaatay in ay dad dileen ayaa waxaa mar kaliya hadalo iyo weedho kasoo butaaceen madaxyo weyntii gaalada oo inoogu hanjabay in aynu joojino xukunkii qisaasta ahaa ee la fuliyay, waxaaa halkaa ka cad in gaalo ay doonayaa in aynu hoos tagno oo ay inoo tilmaamaan waxay jecel yihiin oo aynu ka tagno xukunka alle iyo rasuulkiisa. Waxaa isweydiin leh dalalka gaalada ah markay fulinayaa xukundooda ay iyagu samayteen ma dal kale ayaa faro galiya oo ku yidhaahdo jooji waxaad wadaan? jawaabtu waa MAYA cidna kuma tidhaahdo joojiya oo dalna dal kale ma faro galiyo. Haddan usoo noqdo mawduucayga Somaliland waxaa kusoo batay dilalka sida tooska ah la isku khaarajinyo oo lala beegsanyo saraakiisha iyo dad aan waxba galabsan waxaana fawaaxishtaa dhacaya ka masuul ah xukuumada axmed maxamed siilaanyo oo oo u aragta dhayal iyo ciyaar dhacday oo kale, waayo waxaan jirin cabsi laga baqayo xukunka iyo maamulka jira waxaa inoo yaala sharci islaami ah oo in qofkii qof dila si badheedh ah in loo raaciyo oo isna lagu fuliyo xukunka.
Waxaa jeelasheena ka buuxa gacan ku dhiglayaal laayay dad aan waxba galabsan waxayna si xasilooni ah loogu nafaqeeyaa jeelasha ay ku jiraan iyagoo hela masaariif loo qoray oo ay ku ilaashadaan hay’ado kusoo qaatay qandaraas. Naaxinta gacan ku dhiiglayaasha ku jira jeelashu waxay hormood u noqonaysaa in ay yimadaan gacan ku dhiiglayaal kale oo iyana lagu masruufo jeelasha oo loo qoro lacag iyo guno ayna helin kuwa kula jira jeelka. Haddaynu nahay shacab islaam ah oo waliba ku hoos nool xukun islaami ah maxaynu u heli weynay dawlad fulisa awaamirta alle oo dadkan sida dhibta yar loo dilayo iyo ka dilayaba ku fulisa sharciga loo waayay?. Taa waxaa ka jawaabi doona inta caqliga la saaxiibka ah laakiin haddaynu rabno in aynu raali galino allihii ina abuuray waa in ayna raacnaa amarkiisa oo iska diidnaa amarka dalalka kale samaysteen. Sinaan iyo cadaalad ayay u baahan yihiin shacabkani uma baahna in ka liita xoog iyo awood looga qaato wuxuu leeyahay ama kasbaday. Haddii kale waxaa inagu soo socota ama aynu arki doonaa in la yidhaahdo orod hebel soo dil cidna ku xidhi maysee anaa ka tirsan xukuumadoo kusoo dayne.
Gabogabadii waxaan talo iyo tusaale aan siinayaa xukumada uu madaxda ka yahay axmed siilaanyo ee waliba uu u dhaartay ee kitaabka uu gacanta u saaray.
1. Mudane Madaxweyne dadka ku jira jeelasha ee dilay dadka waliba ay ku cadaatay oo la xukumaay waa in aad soo dareerisaa oo aad keentaa BADHKII lagu khaarijin lahaa.
2. Mudane Madaxweyne waa in aad yeelataa ku dhac oo dalkan iyo dadkan aad u dhaaratay u fulisaa balantii aad u qaaday
3. Mudane Madaxweyne balanta aad ALLIHII ku abuuray la gashay oo aad fulisaa waxaad ku heli doontaa raali ahaanshiyo rabi.
4. Mudane Madaxweyne gacan ku dhiiglayaasha la naaxinayo ee ku jira jeelasha haddii aan lagu fulin xukunka alle cidna naga noolaan mayso oo adna madaxweyne ahaan maysid.
5. Mudane Madaxweyne waxaa ku leeyahay yaan dalka laga hayaamine adaa mujaahid ah oo dalkan jecel si aad xukunka usii haysato fuli xukunada dilka ah kuna dhiiro.
W/Q: Kamaal Sheekh Ismaaciil

News Related