Published:

Wahsiga waa cudur qofka ka reeba wax yaabo badan oo wax tar uleh noloshiisa, dadka wahsada badanaa ayaa ah kuwa inta badan aan waxba qabsan, inta badan dadka wahsada badan ayaa afka go’aama ka gaadha kadibna aan ku dhaqaaqin wax ficil ah, hadaba maanta waxaan idiin Haynaa astaamaha lagu garto gabdhaha wahsiga badan
1. Kuma dadaasho nadaafada timaha
Astaanta 1aad ee lagu garto gabadha in ay tahay wahsibadan ama gabar caajis badan waa gabadha ka wahsata nadiifinta timaheeda, markasta waxaa isku dhex daadsan timaheeda, marmarka qaar way isku dhagaan nadaafad la’aan ah, gabdhahan ayaan ku baraarugsaneen in ragga wax yaabaha soo jiita ay tahay bilicsanaanta timaha gabdhaha, waana mid kamid ah wax yaabaha ay ragga ku qiimeeyaan quruxda dumarka.
2. Badanaa waa mid kulabisan hal dhar
Astaanta 2aad ayaa ah ee lagu garto gabadha in ay tahay wahsibadan iyada oo aan iska badalin dharka waa mid markasta kulabisin inkabadan todobaadkii , marna isku ma taxluujiso in ay xidhato dharkale, badanaa marmarsiyo waxay ka dhigtaa dharka ay gashantahay in ay xiiso uqabto uu ugu baxo, hadii aaney jirin dhaqaalo xumo, gabadha waxaa la gudboon in ay ahaato mid marba dhar nadaafad ka muuqdo xidhato, nadaafada qofka waa mid sare u qaata caafimadka jirka qofka.
3. Guriga ay ku nooshahay oo ah mid isku dhex yaacan
Astaanta 3aad ee lagu garto gabadha ayaa ah in guriga ay ku nooshahay uu yahay mid isku dhex daadsan, dharka meel kasta ku daadsanyahay, qashinka guriga dhex yaalo, sariiraha guriga aan aheen kuwa markasta giigsan ama la goglay, hadaba hadii aad tagto guri sidaa ah waxaad isla markii kuu sawir maya gabdhaha kunool gurigaas in ay yihiin kuwa wahsi badan
4. Wajigeeda oo ah mid aan ifin
Wajiga markasta waxaa kasaaran jacdad, marna kuma soo jiidanayo, wajigeeda iyo jirkeeda waa qaleel ama ma dhaashana , ma iskuma taxluujineyso in ay isbadal ku sameeso muuqaalkeeda, wajiga waa muraayada 1aad ee laga daalacdo qofka dumarka ah, gabadha caajiska badan waa mid lagu garto astaamahaas aan soo xusnay.

News Related