Published:

Marwo weliba ayada iyo qoyskeeda waxaa ku furan tushuush iyo shaki is daba joog ah taasna waxaa lagu asteyn karaa ayadoo aan marnaba la sheekeysan gabdhaha wanaaga u saaxiibka ah, ee marwada guriga aay la sheekeysato gabdhaha ku nool warka hebel iyo heblaayo.

Waxaa jidho gabdho badan oo gurigooda ku burburay sheey aan sidaa u weeyneyn, hadaba kobciye.com weey kuu dardaarmeeysaaa, waxaana haboon dardaaran wixii sax ah inaad ka qaadato wixii aan qaladnana sheeydaan xagiisa ayey ka ahaadeen adigana inaad ka fogaato.

Hadaba aan ceelka wadaanta ku tuuro si aan banaanka ugu soo saaro qodobo qaali ah oo marwada hadii aay la imaato ninkeeda uu ku xasili doono una soo xiisi doono guriga aay janada ugu dhigtay.

A:Β Marwayahay noqo mid furaha qalbigeeda u dhiibto ninkeeda, ninkaaga u ogoloow waxwalbo oo qalbigaaga kusoo dhaco si sahal ah inuu ku ogaado waayo nimanka waxey waali ka qaadaan marka gabadha aay wax ka qariso asagana guriga meel ka baxsan uu warkaasi kazoo ogaado taasi waxeey sababtaa khilaaf aan weligiis kala hakan maadaama kalsoonida idiinka dhaxeyso aay yaraaneyso.

B:Β Xaajigaaga markuu guriga joogo noqo gabadh nadaafad badan ha dareemo masuuliyada kaligaa guriga kaa saaran inaad si buuxdo ugu soo bixi kartid, ha noqon gabadh canugeedii tuujiga saakay uu ku xaaray markii xaajigaaga guriga ka baxayay hadana inuu galabkii usoo noqdo tuujigii oo halkiisii yaalo, weliba u raaci inaad adiga dhar qurux badan iyo nadaafad joogto ah aad ku qaabisho waa hubanti inaad qalbigiisa dhiiga ku jiro aad faleenbo kula soo baxeeysid hadii uu kaa helo intaasi.

C:Β Noqo gabadha hooyga naxariista ee jeceyl inee xiriiriso wiilka waalidkiisa, waayo waxaa hubanti ah inaad adigu ku faraxdo ninkaaga markuu adoo ogeyn hooyada Waco oo uu xariiriyo, miyaadan ogeyn asagana inuu farxayo markaa xariiriso waalidkiisa, noqo mid si qalbi ah u xariiriso waalidyadiina dhamaantoood.

D:Β Noqo gabadh u nugul ineey ninkeeda cafiso ama aay u tanaasusho markii aay dhacaan wax aad isku haaysataaan, markuu murun idinka dhex dhasho adiga afkaaga bar aboowe macane iga raalli noqo adigoo salaaxis gacmo ka hadal ah u raacinato, ha dhihin ma asagaa yeelayo waa runtaa xiligaasi waa macquul inuu iska kaa filqo lakin markuu soo dego oo uu keligiis yahay asagaa xasuusanayo raali gelintaadii qalbigiisana raad xoogan ku reebi doonto..

Intaasi iyo in kabadanba oo diinteena qaaliga ah raali ka tahay ayaa jidho ee gabadhyahay shabakada kobciye.com waxeey ku leedahay isku tax-luuji wanaaga gurigaaga si aad u soo saarto ubad kusoo dhex barbaaray waalid is jeceyl ee aan wanaagooda kala dhamaaan.

 

News Related