Published:

Muddo hadda laga joogo dhowr sano ayaa ay ahayd markii uu wargeyska Geeska Afrika si taxane ah akhristayaasha ugu soo gudbinayey dabeecadaha ay khubarada cilmigu bulshadu sheegeen in lagu garan karo qof kasta iyada oo la eegayo xarafka koowaad ee uu magaciisu ka bilowdo. Haddaba anagoo tixgelinaya akhristayaal xiisaynaya inay ogaadan magacyadooda iyo waxay daaran yihiin, ayaanu si taxana idinku Β kaga soo Β gudbin Β doona shabagada Haldoor news.com

XarafkaΒ  A:

Xarafka (A) waa xaraf astaan u ah Caqli.. waxa lagu yaqaanaa dhiirani iyo ad-adayg badan marka uu rabo inuu socodsiiyo aragti uu qabo. Waa Qof haddii uu hogaamiye noqdo jecel in uu dunida oo dhanΒ  tuso jiritaankiisa iyo awooddiisa. Waxa uu leeyahay Afkaar wanaagsan iyo aragti qiimo leh. Waxa lagu yaqaannaa himilo iyo doonis heer sare ah iyo xamaasad.

Waxa uu jecel yahay shaqada iyo dhaqdhaqaaqa waxa aanu neceb yahay xasiloonida iyo fadhiga. Haddii xarafkani uu mar labaad ku soo noqdo magaca dhexdiisa waxa uu tilmaamayaa hogaamiye geesi ah. Haddii uu mar labaad ku soo noqdo dhamaadka magaca waxa uu tusayaa in qofkani uu yahay qof aan talo iyo waano qaadan. Qof aan jeclayn xitaa in hadalka uu wado laga dhex galo, taas oo macnaheedu yahay keli talisnimo kama madhna.

XarafkaΒ Β  B:

Xarafka β€˜B’ waa astaanta caadifadda iyo xamaasadda. Waa astaanta khajilaadda, waxa lagu yaqaanaa feejignaan iyo dareen dheeraan. Waxa uu jecel yahay Quruxda iyo fanka, laakiin badanaaba kelidii ma socdo haddii aanu cid kale ka haysan dhiiri gelin. Qofka magaciisu ku bilowdo xarafkan B waxa lagu yaqaannaa qof jecel is kaashiga iyo in uu dadka wax la qaybsado.

Xarafka C:

Qofka magaciisu ku bilowdo Xarafka C Waxa uu caan ku yahay faanka, waxa uu aad u yaqaanna sida uu naftiisa uga waramo una cabbiro, waxa uu jecel yahay in uu soo jiito dareenka dadka iyo indhahooda, waxa aanu ku dadaalaa in uu qudhiisu dareen kiisa siiyo dadka kale, laakiin qofkani waa qof mar kasta kacsan oo aanu qalbigiisu negeyn. Waa qofk u baahan jacayl dejiya. Haddii uu xarafkani ku soo noqdo magacana waxa ay astaan u tahay in qofkani uu yahay qof maskax furan oo wax cusub dhalin kara.

Xarafka D:

Xarafkani waxa uu astaan u yahay hawlkarnimo iyo dadaal, waxa uu aad ugu halgamaa sidii uu u dhabayn lahaa himilooyinkiisa iyo in uu ka dhabeeyo ujeedooyinka uu ka leeyahay nolosha.

Laakiin dhinaca kale marka aynu ka istaagno shakhsiyadda magaca ku bilowda xarafka D waxa anu arkaynaa in uu yahay ruux lagu tilmaami karo in uu madax adag yahay, fikirkiisa iyo aragtiyihiisa ayaa uu aad ugu dheggen yahay, waxa aanay mararka qaar ka gaadhaaba in uu aragtidiisa sida caqiida u aamino, oo uu u arko in ay tahay ta keliya ee saxda ah ama ugu saxsan.

Fiiro gaar ah: Maadaama oo xarafka DH ee Alfabeetada Afsoomaaligu uu ka kooban yahay laba xaraf oo ah D iyo H, qormadan waxa aynu tixgelinaynaa xarafka u horreeya xarfaha lammaan, waxa aana aynu u qaadanaynaa in magaca D ka kaca iyo kan DH ka kacaa ay isku xaraf ka kacaan.

Xarafka E:

Xarafkani waxa uu astaan iyo dhiiri gelin u yahay la qabsi (In qofku uu hadba la qabsado xaallada iyo duruufaha taagan iyo in dadka uu la qabsado). Waxa lagu yaqaannaa in aanu u adkaysan jacalka iyo xaaladaha ay ka mid yihiin safarku, sidaa awgeed marka uu xaaladahan ku jiro waxaa laga dareemaa kacsanaan iyo Jaahwareer, ama warwar iyo sakati aanu xakamayn karin.

Waa qofk karti iyo awood u leh in uu xidhiidh la sameeyo dad badan iyo dhinacyo badan oo ku xeeran, waa qof firfircoon oo aad bulshada uga dhex muuqda. Haddii uu xarafkani mar kale ku soo noqdo magaca koowaad dhexdiisa waxa uu astaan u yahay qof mar walba si degdeg ah uga jawaaba, waxaana lagu yaqaannaa bood-bood iyo in uu ku adkaysan waayo go’aankiisa.

Xarafka F:

Waxa uu mar walba dareemaa in nolosha oo badhaadhaheeda laga faa’idaystaa ay tahay lagama maarmaan. In kasta oo muuqaalka duleed ay dadku u yaqaannaan in uu yahay qof aad u xasilan haddana waxa ay runtu tahay in uu yahay xaraf aan lagu aqoon deggenaan iyo caqli miisaaman, waxa uu ku jiraa xaalad xassilooni darri ah.

Waa xaraf aan lagu aqoon fulin balse caan ku ah in uu aragti iyo fikir cusub curiyo nasiib darro waxa dhacda in uu mararka qaar xitaa ku fashilmo in uu muujiyo waxa uu curiyey ee maskaxdiisa ka soo maaxday. Waa xaraf dhammaantiin masuulnimo ah, waxa aanu leeyahay aragti iyo mawaaqif cad oo aanu la gabban. Waxa lagu yaqaannaa in uu yahay qof jecel saaxiibtinimada kuna booriya dadka.

la soco qaybta danbe:-

 

News Related